Manchester United Oo La dawakhsan Guushii ay kala Cumaamadatay Old Trafford

Manchester United ayaa Old Trafford guul muhiim ah ka dib Kulankii dhexmaray kooxda Brighton waxayna guushani Solskjaer iyo ciyaartoyda kooxdiisa United Meesha ka Saartay cadaadiskii ay la soo kulmeen xiliyadii la soo dhaafay.

Manchester United ayaa 3-1 ku garaacday kooxda Brighton oo marti ugu ahayd Old Trafford waxaana guushan ku hogaamiyay Andreas Pereira iyo Marcus Rashford oo min hal gool dhaliyay halka xidiga kooxda Brighton ee D. Pröpper uu iska dhaliyay goolka labaad ee United kulankan ku heshay.

Manchestr United waxay guushani ka caawisay in ay meeshii hoose ee ay kala saraynta premeir League kaga jirtay sare uga soo qaaday waxayna United soo gashay kaalinta 7 aad iyada oo 16 dhibcood haysata waxayna hal dhibic ka hoosaysaa Arsenal oo kaalinta lixaad ugu jirta 17 dhibcood.

Manchester United ayaa goolka furitaanka heshay daqiiqadii 17 aad waxaana goolkan muhiimka ahaa u dhaliyay Andreas Pereira kaas oo dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay Martial.

Goolkan ayaa culays badan saaray kooxda martida ahayd ee Brighton oo aan awoodin in ay jawaab ka celiso goolka ay United ku hor martay.

Laakiin daqiiqadii 19 aad kooxda Brighton waxaa musiibo kale ku noqday xidiga kooxdeeda ee D. Pröpper kaas oo goolka labaad ee United iskaga dhaliyay karoos uu Fred soo sameeyay isla markaana soo maray Maguire laakiin McTominay uu doonayay in uu goolkan ku dhaliyo.

Kadib markii VAR laga hubiyay in wax qaladaad ahi ay jireen waxaa la go’aamiyay in goolkani uu sax ahaa iyada oo ciyaartu noqotay 2-0 ay United hogaanka kula wareegtay.

Isla natiijadan ayaa qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay iyada oo Brighton ahayd kooxda uu culayska ugu wayni saarnaa.

Kadib isbadalo uu sameeyay tababaraha Brighton waxaa kooxdiisa u suurtogashay in daqiiqadii 64 aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta ay rajadooda ku soo nooleeyeen goolka ay kulankan ka heleen kaas oo uu u saxiixay L. Dunk.

Markii ay ciyaartu noqotay 2-1 ay wali United hogaanka ku haysay waxay jamaahiirta United bilaabeen in ay ka walwalaan in Brighton ay soo laaban karto oo ay goolka labaad ee barbaraha keensan karaan.

Laakiin Marcus Rashford ayaa burburiyay rajada yar ee Brighton u soo kordhay kadib markii uu daqiiqadii 66 aad uu Rashford soo celiyay hogaankii labada gool ahaa ee ay United lahayd.Waxayna natiijada ciyaartu noqotay 3-1 ay United hogaanka ku dheeraysatay.

Marcus Rashford ayaa difaaca kooxda Brighton ku ciqaabay qalad xun oo ay sameeyeen isaga oo cidlo ka helay fursada uu goolkan ku dhaliyay waxaana caawinta goolkan sameeyay Martial.

Manchester United ayaa raadinaysay goolka afraad si ay ciyaarta si rasmi ah hurdada ugu dirto laakiin Brighton ayaa wali rajo ka qabtay in ay farqiga goolasha soo yarayso.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Manchester United guul muhiim ah kaga gaadhay kooxda Brighton waxayna guushani United ka caawisay in ay kaalinta 7 aad ee premeir League soo gashay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker