Mucaaradka Dalka Suudaan Oo Dalbaday in Ciidamada Milatariga ah Laga Saaro Magaalooyinka Waaway ee Dalkaasi

Isbahaysiga Xooggaga Mucaaradka ee dalka Suudaan ayaa ku  baaqay in Milliteriga laga wada saaro magaallooyinka, laguna soo bedelo ciiddanka Boliska ah, si looga badbaado dilalka loo geysto Dibadbaxayaasha.

 

Mucaaradka waxay hadalkaasi ka sheegeen mar ay la kulmeen Ergayga cusub ee Maraykanka u joogi doona Suudaan, Donald Booth, waxayna sheegeen inay taasi muhiim u tahay in Milliteriga laga wada daad-gureeyo gudaha magaallooyinka, gaar ahaan Caasimadda Khartuum.

Telefishinka Sky News Arabia ayaa sheegay in Mucaaradka ku baaqeen  in sida ugu dhaqsaha badan loo sii daayo dhamaan Maxaabisita Siyaasadda, lana dhowro Xorriyadda Saxaafadda ee dalka Suudaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker