Iran Oo Xarun Shidaal Ka Furatay Gacanka Dalka Oman

Madaxweynaha dalka Iran ee xilka ka degaya Xasan Ruuxaani ayaa sheegay in Iran ay ka furatay goobtii ugu horeysay ee shidaal ay ka furato gacanka dalka Oman , talaabadaas oo u ogolaan doonta inay ka fogaato adeegsiga marinka Hormuz ee diiradda saaraya xiisadda gobolka muddo tobanaan sano ah.

“Tani waa talaabo istiraatiiji ah waana talaabo muhiim u ah Iran. Waxay sugi doontaa sii socoshada dhoofinta saliideena, ”ayuu Rouhani ku yidhi.

Terminal-ka cusub wuxuu ku yaal meel u dhow dekedda Jask ee Gacanka Oman , oo koonfurta ka xigta marinka Hormuz, taasoo u oggolaanaysa maraakiibta ku sii jeeda badda Carabiya iyo kuwa ka sii fogba si looga fogaado marinka cidhiidhiga ah.

Saldhigga weyn ee dhoofinta shidaalka ee Iiraan waxay ku taalaa dekedda Kharg gudaha marinka Hormuz, marin biyood aan ka yarayn 40 kiiloomitir (25 mayl) oo ku teedsan meesha ugu cidhiidhsan badda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker