Madaxweyne Cagjar Soo Dhawoow, Tolow Ma Dayntii Buu U Yimi … See Arrin Yahay ?!

Wiilka abtiga loo yahay ee Madaxweyne Mustafe Cagjar waxaanu leenahay soo dhawoow dhul Somaliyeed baad timid mar labaad soo dhawoow ……Wiilasha baari waalidiinta ah ee abtiga loo yahay waa soo dhawaynaynaa sidaa Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Siyaasi Sare Muniir Axmed Cigaal lakiin Furqaanka Jaalle Abujahal  isagu subax hore ayuu hooyadii Suuban madafiic ku garaacay markaa abti iyo edeb daradaa wuu ka xanaqaa anana umaanu socon………… Yeelkeede

Baryahnba Dawlada Ethiopia Waxay Daba Jogtaa Lacag Dhan 4 Billion Iyo Sedex Boqol Iyo Konton Million Oon La Sheegin Ma Dollar Baa Mise Waa Bir  Ooy Aaminsan Yihiin Inay Xadka Somaliland Iyo Ethiopia Soo Dhaaftay  qoyska Al-Sucuud-ka Hargeysina gacanta ku dhigeen iyakoo qaar siiyey ragii lacagta watay intii  ay kala  hadheena dhigtay  Dahabshiil Iyadoo Arrinkaa Uu Si Laxaad Leh Iskaga Daafadeeyey Dahabshiil….

Dhawaan watii xadka Ethiopia ee Togwajaale lagu qabtay lacag faro badan oo ilaa $ 60 Million oo Dollar  ka koobneyd  tasoo ahayd ” Basket of Currency ” iyadoo taqriiban lacag kastoo aduunka laga isticmalaa ku jirtay min Riyaal ilaa Darham ilaa Dinar ilaa Euro ilaa Giniga Ingiriiska  iyo qaar kaloo badan. ….. Markaa waxa loo malaynayaa in Madaxweyne Mustafe Cagjar maalilntii dhawayto ee uu kaligii Togwajaale yimi inuu lacagtaa dib ula noqday …. Maantana tii hore looga wada hadlay uu u yimi  maxsuulka inuu qaado daynta $ 80 Million ah ee Macaali Wasiir Sacad cali Shire inoo sheegay waa lacagtaa Ethiopia ay doonayso iyo Lacagta uu Xaraf qasriga kaga dhisanayo  Duqu …………..

Muwaadin caqligaaga yaan la caayin maynu maqal horjoogaha Heegada Hargeysa wuxuu helay bakhtiyaa nasiib  ama lottery Jackpot , dalkii Imaraadku isagaa busaaradeystay adigii bay DP World Dollar ku weydiinaysaa Ethiopia Dekkeda Berbera iyo Mashruucii Tigreyga way joojisay , Midowga Yurub na waxay mashruuca gacanta kala baxeen markay DP World timi oo lacagta canshuurta Muwaadinka reer Yurub laguma quudinayo DP WORLD markaa lacagta Bebera Corridor ee loo baahanyahay ila $ 450 Million oo Dolllar  Muwaadin waa nus Billion Dollar xagee Maamulka Hargeysa ka keenayaa xili dadka qaar haraad iyo biyo la’aan iyo gaajo u dhimanayaan ,…….. LET THEM EAT CAKE .

Maqaalka Ay Qoreen Jara’idka Looga Qateenka Ah Ee African Intelligence Iyo ION Aynu Yara Qadaa Dhigno Arrartu Waa “

The Somaliland Financial Services Firm Stands Accused By Ethiopia Of Collusion With The Former Administration Of The Somali Region – A Charge Vigorously Denied By Dahabshiil.”

Shirkada Somaliland ( Shirkada Caalamiga Ah ) Ee Adeega Maliyadeed Ooy Dawlada Ethiopia Ku Tuhmayso Inay Xidhiidh Dhaw Oo Laysku Milmay La Lahayd Maamulkii Hore Ee Dawlad Degaanka Somalida Ee Ethiopia Tasoo Ay Shirkada Dahabshiil Si Ba’an Oo Bahlnimo Ah U Dafirtay ……..”  Collusion ” Hadaad Maqashid Waa Trump Collusion With Russia Markaa Arrinku Ma Sahlana Armay Arrintani Mr. Robert Mueller U Baahan Tahay Iyo Xeer Ilaaliye Gaar Ah .

“ Moustapha Mouhoumed Omar, Aka Cagjar (Somali/Darod/Ogaden), The President Of Somali National Regional State Since Mid-October, Is Still Fulminating Against His Predecessor Abdi Mahmud Omar, Aka Abdi Ilay (Abdile/Reer/Ogaden), Who Is Currently In Prison. Among The Many Accusations Made By Cagjar Against The Previous Administration Of The Somali Region Is A Charge Of Misappropriating Public Funds Which Were Then, According To The New Regional Authorities, Deposited Into An Account Held By The Financial Services And Funds Transfer Company Dahabshiil.”

Mustafe Muxumed Cumar , Loona Yaqaan Jaalle Cagjar Oo Ah Madaxweynaha Somali State Tan Iyo Badhtamaha Oktober Kasoo Weli La Daala Dhacaya Iska Caabinta Dhaxalkii Ninkii Xukunka Uga Horeeyey Oo Haatan Jeel Ku Jira . Waxa Ka Mida Ah  Dacwadaha Uu Ku Soo Oogay Jaalle Cagjar Maamulkii Isaga Ka Horeeyey Isdaba Marin Xoolo Danta Guud Tasoo Lagu Shubay Xisaab Ka Furanayd Shirkada Adeega Maaliyadeed Iyo Xawaalada Ee Dahabshiil Waa Sida Ay Hadalka U Dhigeen  Maamulka Cusub Ee Somali State .

“ The Indian Ocean Newsletter Has Learnt That This Affair Was At The Heart Of Discussions Between Cagjar And The Somaliland President Musa Bihi Abdi During Their Meeting On 22 December In Tog Wajaale. It Seems That Cagjar Was Thus The Bearer Of A Message From Addis Ababa To Musa Bihi Abdi Requesting That The Money Misappropriated By Abdi Ilay Be Returned To Ethiopia.”

Waxa Jariidada The Indian Ocean Newsletter Lasoo Gaadhsiiyey In Arrinkan Uu Ahaa Udub Dhexaadka Doodii Dhexmartay Jaalle Cagjar Iyo Madaxweynaha Somaliland Shirkii Ay Yesheen 22 December Ee Ka Dhacay Togwajaale . Iyadoo U Ekeyd Inuu Jaalle Cagjar  Fariin Side U Ahaa Addis Ababa Fariinta Uu Jaalle Muuse Biixi Gaadhsiiyeyna Ay Ahayd Lacagihii Uu Isdaba Mariyey Jaalle Cabdi Iley In Ethiopia Lagu Soo Celiyo

“ Contacted By The Indian Ocean Newsletter, The Management At Dahabshiil Claimed ‘To Be Unaware Of Any Legal Dispute With The Ethiopian Authorities’ And Denied That ‘The Government Raised Any Issue Of This Nature With Dahabshiil’. The CEO Of Dahabshiil, Abdirashid Duale, Further Pointed Out That ‘[His] Company Has Partnerships With Fifteen Banking Establishments In Every Region Of Ethiopia. Dahabshiil Does Not Directly Allow Its Clients To Make Deposits In Accordance With Ethiopian Regulations And The Terms And Conditions Of The Company’s Registration’.Despite These Denials, Cagjar Is Keeping Up The Pressure On Dahabshiil. …..”

Markay Xidhiidh La Sameysay Jariidada  The Indian Ocean Newsletter Maamulka Sare Ee Dahabshiil Waxay Noo Shegeen ” In Aaney Ogayn Wax Is Maan Dhaaf Sharciyeed Ah Oo Ka Dhex Oogan Iyaka Iyo Dawalada Ehtiopia ”  Waxayna Dafireen In Arrintanoo Kale Ayna Dawlada Ethiopia Ula Imaan. …. Maamulaha Dahabshiil  Jaalle Cabdirashiid Ducaale Wuxuu Farta Ku Fiiqay In Shirkadiisu  Shan Iyo Toban Bank Oo Ethiopian Ah Gobol Kasta Gacan Saar La Leedahay , Iyadoon  Dahabshiil Bank Uuna U Ogolaan In Macamiishu Lacag Dhigtaan Tasoo Ayna Ogoleyn Shuruucda Iyo Shuruudaha Shirkada Ethiopia Lagaga Diwaan Geliyey , Si Kastoo Ay Iskaga Daafadeysay Arrinkan Shirkada Dahabshiil Lakiin Jaalle Cagjar Weli Cadaadis Ayuu Saaraya Shirkada Dahabshiil Isagoo Leh Lacagtu Ethiopia Lama Dhigan Ee Xadka Ayey Soo Dhaaftay Ninkii Uu Ninka Ogadeen  Oo Ah Jaalle Cabdi Iley Wax U Dhiibay Waa Garaneynaa …… Markan Af ku dablaha IDOOR MACRUUF  ARMUU MACAALI WASIIR SACAD CALI SHIRE NOQDAA ?!

Ahmed Jigga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker