Shirkad sheegtay in dharka ay soo saarto uu joojin karo Covid-19 oo la ganaaxay.

Shirkad laga leeyahay dalka Australia oo dharka jimicsiga iyo ciyaaraha iibisa ayaa lagu ganaaxay lacag gaadhaysa £2.6m ka dib markii shirkaddaasi ay sheegtay in dharka ay soo saarto uu “baabi’inayo” isla markaana joojinayo faafitaanka cudurka Covid-19.

 

Shirkadda Lorna Jane ayaa sheegtay in dharkeeda loo adeegsaday “Tiknooloji aad u sarraysa” oo lagu magacaabo LJ Shield oo ka hortagaysa waxyaabaha jirrada dhaliya.

 

Si kastaba ha ahaatee, xukun ka soo baxay garsoore ayaa lagu sheegay in sheegashada shirkaddu ay ahayd “dhiig-miirasho, ugaarsi iyo khatar aad u weyn”.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker