Xaguu ku dambeeyay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un ?

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay xaaladda caafimmaad iyo halka uu ku sugan yahay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un.

Qaar kamid ah warbaahinta caalamka ayaa isbuucyadii dambeba baahinayay xaaladda caafimmaada ee hogaamiyaha Pyongyang.

Telefishin lagu magacaabo HKSTV oo fadhigiisu yahay Hong Kong ayaa kusoo warramay in uu helay xog muujineysa “in uu geeriyooday hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.”

Wararka la xiriira geerida Kim Jong Un ayaa sii xoogeystay toddobaadkii lasoo dhaafay kaddib markii bog ay wax ku qoraan dad kasoo baxsaday dalkaas lagu sheegay in Kim “uu u geeriyooday xanuun hayay tan iyo bishii August ee sanadkii hore.”

Agaasime ku xigeenka warbaahintaas ayaa sheegay in ila lagu kalsoonaan karo ay u sheegeen “in uu geeriyooday” hogaamiye Kim Jong-un.

Balse ma jirto cid si madaxbanaan u xaqiijin karta wararka uu baahiyay telefishenkaas.

Goormey billaabatay Hadal heynta?

.

Wararka la isladhexmarayo ee ku saabsan Kim ayaa soo baxay markii sida la sheegay uu ka baaqsaday ka qeybgalka munaasabad sanad walba lagu maamuuso sanad guuradii kasoo wareegatay dhalashada aabihii oo ku beegneyd 15-kii bishan April.

Kim Jong-un waligiis kama uusan baaqanin munaasabadda xuska aabihiis – wayna iska muuqatay inuusan si sahlan u go’aansan karin inuu ka qeyb gali waayo.

has never missed it – and it seemed very unlikely that he would simply choose not to turn up.

Wakaaadda wararka ee Reuters oo soo xigatay ilo xog ogaal ah ayaa maalmo kahor kusoo warrantay in Dowladda Shiinaha ay khubaro caafimaaad u dirtay Kuuriyada Waqooyi.

Saraakiishaas caafiimaad ayaa la sheegay in uu hogaaminayay sarkaal sare oo katirsan xisbiga shuuciga ee ka arrimiya dalka Shiinaha.

Kuuriyada Waqooyi oo ah dal ay adag tahay in laga helo xog ku saabsan madaxda sare ee dalkaas ayaa waxaa adkaatay in la xaqiijiyo xaaladda caafimmaad ee Kim, waxaana sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay warar kale oo sheegaya in hogaamiyaha dalkaas uu galay qalliin dhanka wadnaha ah. Waxaa sidoo kale soo baxay warar kale oo sheegaya in Kim Jong Un uu nool yahay.

Dalka ay deriska yihiin Pyongyang ee Kuuriyada Koonfureed ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu dhintay ama uu xanuunsan yahay hogaamiyaha dalkaas.

Moon Chung-in oo ah sarkaal siyaasadda arrimaha dibadda kala taliya madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa warbaahinta CNN ee dalka Mareykanka u sheegay in Kim Jong-un “uu nool yahay, uuna caafimmaad qabo.”

“Ka dowlad ahaan halka aan arrintan ka taagan nahay way caddahay” ayuu yiri Moon Chung-in oo intaa ku daray in laga billaabo 13-kii bishan April uu Kim ku sugnaa deegaanka Wonsan, sidaas darteedna aysan jirin wax keeni kara shakiga ah in uu geeriyooday.

Sidoo kale saraakiil katirsan sirdoonka dalka Shiinaha ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in wararka sheegaya dhimashada ay yihiin been abuur, oo uu Kim nool yahay.

.

Markii ugu dambeysay ee la arkay hogaamiyaha dalkaas ayaa waxay ahayd 12-kii bishan, warbaahinta dalkaas na ma aysan sheegin ilaa iyo hadda halka uu ku sugan yahay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo fagaareyaasha laga waayo hogaamiyaha dalkaas.

Sanadkii 2014-kii, ayaa Kim Jong-un la waayay muddo 40 cisho ah, waxayna taas keentay in wax la iska weydiiyo halka uu ku sugan yahay.

Sidoo kale xilligaas waxaa soo baxay warar kale oo sheegaya in la afgembiyay.

Haseyeeshee, maalmo kaddib waxaa uu kasoo muuqday warbaahinta dalkaas.

Haddii ay dhacdo in uu meesha ka baxo, yaa baddalaya?

.

Wargeyska Kuuriyada Koonfureed ee lagu magacaabo Rodong Sinmun ayaa dhowr sawir ka qaaday Kim bishii October ee sanadkii 2014-kii

Haddii ay dhacdo in Kim uu meesha ka baxo, sida ay doontaba ha ahaatee, ma cadda cidda baddali doonta.

Kim waxaa uu xilkaas ka dhexlay aabihii oo sanado badan hogaaminayay dalkaas, waxaana muuqata in dhaxalka dhanka xukunka ee dalkaas uu yahay mid uusan cid kale damac ka geli karin.

Gabar ay walaalo yihiin Kim Jong-un oo lagu magacaabo Kim Yo-jong, ayaa u muuqata qofka iska leh dhaxalka dalkaas, maadaama ay walaalo yihiin, aadna ay ugu dhow dahay walalkeed. Waxaa sidoo kale la sheegaa in ay saameyn ku leedahay xukunka dalkaas.

Xaaladda dhabta ah ee hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi waa mid kala caddaan doonta mustaqbalka dhow.

Taliska dalkaas ayaa ah mid aad looga baqo halka shacabkuna ay dunida inteeda kale ka xirxiran yihiin, taasoo yareyneysa wararka laga heli karo gudaha.

Xigasho:BBCSomali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker