Muxuu Ku neceb yahay inuu isticmaalo magaca ‘Depay’

Warbixintan waxaynu ku eegeynaa inuu neceb yahay inuu isticmaalo magaca ‘Depay’, waxa uu ku dhigan yahay Tattoo-ga uu ku qortay bushintiisa hoose, kala tagga labadiisa waalid iyo xaqiiqooyin laga yaabo inaadan ka maqal Memphis Depay.

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Memphis Depay kaasoo bilaash kaga soo dhaqaaqaya naadiga Lyon, balse warbixintan waxaan idin kula wadaageynaa isagoo sharraxaya sababta uusan u jecleyn in loogu yeero Depay ama uusan Magacaas maaliyaddiisa ugu qoran waayey.

Weeraryahanka xulka qaranka Netherlands ayaa sanadkii 2012-kii go’aansaday inuu dhabarka maaliyaddiisa ku qorto magaciisa Memphis oo qura isla markaasna uu iska fogeeyo inuu dhabarka ku sito magaca qoyska uu kasoo jeedo ee reer Depay.

Memphis Depay waxa uu dhashay 13-kii February sanadkii 1994-kii, waxaana si fudud loogu yeeraa Memphis, waa xirfadle kubadda cagta ah oo reer Holland ah, waxaana uu weeraryahankan ka tirsan yahay kooxda Ligue 1 kooxda Lyon iyo xulka qaranka Netherlands, waxaana uu kooxda ka ciyaarta horyaalka La Liga ee Barcelona ku soo biiri doonaa 01 bisha July ee sanadkan 2021-ka.

Ciyaaryahan Depay waxaa iska dhalay Aabbe reer Ghana ah oo lagu magacaabo Dennis Depay iyo hooyo reer Holland ah oo la yiraahdo Cora Schensema, waxaana uu sanadkii 1994-kii ku dhashay tuulada yar ee Moordrecht oo ku taallada Koonfurta Holland.

Waqti dheer ma sii waarin xiriirka labadiisa waalid, waana uu barburay oo Hooyadiisa iyo Aabbihiis waa ay kala tageen markii uu Depay kaliya afar sano jir uun ahaa, Aabbihiis ayaana go’aansaday inuu reerka ka tago.

Depay waxa uu caan ku yahay oo uu jecel yahay inuu korkiisa ku midabeeyo Tattoo-ga, mid ka mid ah Tattoo-ga u marsan oo ka muuqda gacantiisa bidix waxa uu ku maamuusayaa Awoowgiis, kaasoo geeriyooday maalin ka hor markii uu Depay 15-sano jirsaday.

Markii uu gool ka dhaliyey xulka qaranka Australia koobkii Adduunka ee 2014-kii, waxa uu dhunkaday Tattoo-gaas, waxaana uu cirka u taagay gacmihiisa isagoo goolkaas ku weyneeyey Awoowgiis.

Tottoo-yada kale ee ku xardhan jirkiisa waxaa ka mid ah mid uu ku xusato markii ugu horreysay oo uu gool u dhaliyo xulkiisa qaranka Netherlands.

Sheekada yaabka leh waxa ay tahay in Bushintiisa/Faruurtiiisa hoose uu Tattoo ku xarsan yahay, weliba waxa uu uga qoran yahay dhanka hoose ee ilkaha xigta, waxaana ku qoran ‘succesvol’ oo Af- Dutch haddii English laga dhiganaya noqonaysa ‘successful’ ama Soomaali ahaa ‘Guuleystay’.

Memphis Depay is Manchester United's new showman, shining in the Champions League after troubled upbringing | Daily Mail Online

Sidoo kale erayada ku qoran jirkiisa ee Tattoo-ga uu ku midabeeyey Depay waxaa ka mid ah ‘dream chaser’ oo Soomaali ahaan noqoneysa ‘Riyo Raace’ ama qof riyadiisa eryada.

Bishii June ee sanadkii 2017-kii waxa uu Depay baraha xiriirka bulshada kaga dhawaaqay inay u doonan tahay ama u Alkuman tahay Lori Harvey oo ah gabdha ugu yar ee uu dhalay Steve Harvey oo ah barnaamij soojeediye TV Mareykan ah, markaas kaddibna waxaa la ogaaday in xiriirkaas uu burburay oo ay kala tageen Depay iyo Lori.

Bishii April ee sanadkii 2020, Depay waxaa dhaleeceeyay dhowr hay’adood oo u dooda xuquuqda xayawaanka kaddib markii uu barihiisa xiriirka bulshada uu ku soo bandhigay sawirro iyo muuqaallo uu kula jiro xayawaanno kala duwan isagoo dalxiis ku jooga Dubai, waxaana kaddib Depay uu ku jawaabay: “Libaaxyaduba xitaa waa xayawaan duurjoog ah”.

Haddaba maxay tahay sababta uu u diido in loogu yeero Magaca Depay, isla markaana uu Memphis u jecel yahay oo uu xitaa diiday in Magaca ‘Depay’ uu ugu qorto dhabarka dambe ee maaiyadda uu ku ciyaaro xul iyo kooxba?.

Xiddigan ayaa arrintaas ku sababeeyay inuusan dooneyn inuu muujiyo xiriirka kala dhexeeya qoyska reer Aabbihii kaddib kala tag ku yimid Memphis oo caruur ah Hooyadiisa iyo Dennis Depay oo ah aabbihii dhalay, waxaana laacibka cusub ee Barca uu go’aansaday inuusan isticmaalin magaca qof isagoo oo afar jir ah isaga tagay ama iska fogeeyay.

“Marnaba ma cafin doono” ayuu Memphis hadalkiis ku bilaabay isagoo la hadlayey BBC.

“Ha iigu yeerin Depay, iigu yeer Memphis.

“Ma rabo inaan si sax ah u wada sharraxo wixii ka dhacay guriga, sababtoo ah ma rabo inaan dadka ka xishoodsiiyo, sidaas ayayna ahaan doontaa maxaa yeelay hore ayaan uga dhaqaaqay” ayuu hadalkiisa ku daray 27-sano jirkaan.

Si kastaba ha ahaatee, dhabarka maaliyadda Barcelona oo uu dhowaan ku biiray ayaa sidii caadiga u ahayd xiddigan lagu arki doonaa magaca ‘Memphis’ oo qura, isagoo Camp Nou kooxda ku ciyaarta la galay heshiis dhici doona xagaaga 2023-ka.

Gool FM.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker