Maraykanka Iyo Kenya Oo Iska kaashanaya la Dagaallanka Argagaxisada.

Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Dalka Maraykanka ayaa sheegtay in hay’adda dambi barista Maraykanka ee FBI iyo Dowladda Kenya ay iska kaashan doonaan dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagixisada.

Hay’adda FBI ayaa Kenya ka caawin doonta sare u qaadidda tayada baaritaannada iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Koox baarayaal ah oo ka kooban 42 Kenyaan ah ayaa tababar ku saabsan la dagaallanka Al-shabaab kusoo qaadan doona muddo 12 Todobaad ah Machadka FBI Academy Gobolka Virginia ee Dalka Maraykanka.

Kenya iyo Marayakanka ayaa leh Guddi wada jir ah oo ay shaqadoodu tahay la dagaallanka waxa loogu Argagixisada, kaas oo la dhisay Bishii Jannaayo ee 2019-kii markii ay Al-Shabaab weerarka ku qaadday Hotelka DusitD2 ee Magaalada Nairobi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker