Farsamooyinka la isku dhaco ee aan la dareemin!

Dugsiyadda gaarka loo leeyahay ee qaaliga ah waxa ay kaliya dugsiyada kale kaga duwan yihiin uun lacagta badan iyo Ajanabiga jooga oo dusiga u ah xayeysiis maadaama oo soomaalidu jeceshaya Ajanabiga.

Bal  sida farsamaysan ee la isku dhaco aynu wax ka ogaanno.

Feegii ardayga waxa loo  dhiga yar tahay ee KG-ga ah waxa laga qaada 100 dollar, lacagtaasi waxa ku jira cashuurta laga qaado macalinka Ajanabiga ah, mushaharka ajanabiga, iyo bisha fasaxa ah lacagtiisa qayb ka mid ah oo lagu dhex yaryareeyey bisha, dirayska oo 35 dollar oo meel gaar ah loogu soo tollayo, buugtiisa oo 90 dollar ah.

100+35+90=225 dollar aanu ku jirin nususaacihiisa.

Si mar kale lacag kale u helaan waxa la sameeya sanadkii xaflad loo samaynayo ardayda, waxa iskuguulka dhexdiisa lagu iibinaya xafladii uu dharkaasi u xidhanayey oo lacagteedu tahay 35 dollar, Tikidhka waalidka la siinayo oo laga iibinay calaa qof 5 dollar, hoteelka la tagayo nusasaaca iyo qadada waalidku ka cunayo oo waalidku iska bixinayo:

Halkii Arday dharka uu iibsanayo 35+5 dollar oo tikidka halka waalid : 40 dollar aanay ku jirin waalidka cuntadii uu xafladda ku cunayey.

225 dollar + 40= 265 dollar.

Waa iskuul oo  dharkii caruurta iyo shandadii buugaagta iibinaya oo xafladaha  loo qabto ardaydana lacag uga soo baxdo, yaa ka fa’iido badan, axyaa farsamo.

Dhinaca kale, Ajanabiga macalinka laga dhigaya ee caruurta shan jirka u dhigaya miyaa la waayey soomaali u dhiga, ma waxaynu gaadhnay wakhti caruurtii yaryara Ajanabiga looga keenno dalalka dibadda wakhti shaqo yaraanta dalkeenu boqolkiiba boqol marayso ????

Shaqo muwaadin qaban karo waa ka mamnuuc inuu Ajanabi qabto, marka caruurteenii ajanabi wax walba ka suurogali karaan u keensanayo ka waran ???

 

Barkhad Maxamed Cumar

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker