Maxaa kusoo kordhay Tartanka Hoggaanka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay u tartameyso

Golaha Sare ee Midowga Afrika ayaa qaaday tallaabo hor leh, isagoo go’aansaday in guddoomiyaha xiga ee Guddiga Midowga Afrika uu ka imaanayo Bariga Afrika.

Kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa Golaha Fulinta ee midowga wuxuu ku yeeshay kulankoodii 22-aad, kaas oo diiradda lagu saaray doorashada soo wajahan ee hoggaanka sare.

Go’aankan oo shalay lagu dhawaaqay ayaa imaanaya iyadoo musharraxiinta haatan u taagan guddoonka midowga ay kasoo jeedaan Bariga Afrika: Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Raila Odinga, hoggaamiyaha mucaaradka Kenya.

Waxaa intaa dheer in go’aankan lagu xusay in Waqooyiga Afrika ay soo xushaan booska ku xigeenka guddoomiyaha midowga, halka Bartamaha, Koofurta, iyo Galbeedka Afrikana ay soo xulan karaan lix boos oo xubin guddiga ka mid noqoneysa ah.

Soomaaliya ayaa dhankeeda abaabul xooggan iyo diyaar garow ugu jirta doorashada Midowga Afrika oo dhici doonta bisha Febraayo ee sanadka 2025. Fowsiya yuusuf Xaaji Aaden aya adhanka Soomaaliya u sharrarxan kursigaas halka

Raila Odinga oo Kenya ka socda uu sharraxanyahay kursigaasi hoggaanak midwoga Afrika

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker