Wiil Afrikaan ah oo ay horay u qafaasheen Xamaas oo geeriyooday

Dowladda Tanzania ayaa xaqiijisay dhimashada mid ka mid ah ardaydii lagu qafaashay weerarka Xamaas ee Israa’iil ku qaaday 7dii Octoobar.

Clemence Felix Mtenga, oo 22 jir ah, wuxuu ahaa mid ka mid ah laba qof oo Tanzanian ah oo ay kooxdu qaadatay 7dii Oktoobar. Ma cadda sida uu u dhintay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa sheegtay in ay Israa’iil kala xiriirtay la haystaha kale ee Tanzania u dhashay oo lagu magacaabo Joshua Mollel.

In ka badan 230 la haystayaal ayaa lagu qafaashay weerarka Xamaas, waxaana lagu dilay ugu yaraan 1,200 oo qof.

Israa’iil waxay sheegtay in la-haystayaasha – laga soo kaxaystay Israa’iil oo la geeyay Marinka Qaza – ay ka yimaadeen 25 waddan, oo uu ku jiro hal qof oo Koonfur Afrikaan ah oo aan weli la aqoonsan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker