Taliyaha Ciidanka Boliska JSL Oo Amaro Dhinaca Amniga ah Ku Soo Rogay Garoonka Hargaysa Stadium

Taliyaha Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo warbaahinta kula hadlay xarunta ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadlay tartanka kubadda cagta ee ka socda garoonka Hargeysa Stadium.

Taliyaha ayaa fariin u diray taageereyaasha kala duwan ee xulalka ku ciyaaraaya garoonka Hargeysa Stadium, isaga oo usoo jeediyey in ay ilaaliyaan nabadgelyadda garoonka Hargeysa Stadium oo ay ka socdaan ciyaaraha koobka goboladda Somaliland, isaga oo si gaar ah fariintaas ugu diray taageereyaasha Hawd iyo Daad madheedh oo xulalka goboladoodu ay garoonkaasi fooda isku dari doonaan .

Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa sheegay in mudadii ay ciyaaruhu socdeen si weyn loogala socday caalamka oo dhan, iyada oo lala dhacay sida nabadgelyadda ah ee ay Somaliland uga socdaan ciyaaraha koobka goboladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa uu Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland sheegay in ciyaaraha goboladdu ay sumcad badan Somaliland usoo jiideen, waxaanu intaas raaciyey in maalinta berri ah ay ciidamadu nabadgelyadda si adag u ilaalin doonaan, isla markaana ay mamnuuc yihiin oo aan la ogolayn in lala soo galo caagadaha biyaha, Calamaanta nooc kasta oo ay yihiin iyo wax kasta oo nabadgelyadda waxyeelaaya, waxaanu usoo jeediyey dadweynaha ciyaartan daawashada u iman doona in ay dhinacooda nabadgelyadda ka ilaaliyaan oo cid kasta oo isku dayda in ay qalaan qal sameeyaan  ay iyagu iska qabtaan, ciidamadana la shaqeeyaan.

Dhinaca kalena Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale)  ayaa ciidamada Booliska Somaliland ee ka hawlgelaayey garoonka Hargeysa Stadium ku hambalyeeyey sidii wanaagsanayd ee ay shaqada ilaalinta nabadgelyadda u hayeen mudadii ay ciyaaraha goboladda Somaliland socdeen iyo heeganka ay Somaliland oo dhan ugu jiraan 24-ka saacadoodba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker