“Adeer Somaliland Cadow iyo waxaa aad sheegayso waxba kama jiraan, “

Boqor Buurmadow, oo la waydiiyey in Somaliland Cadow iyo dawladdo shisheeye isu soo bahaysteen iyo inuu Somaliland la jiro oo difaacayo ayaa ku jawaabay;

“Adeer Somaliland Cadow iyo waxaa aad sheegayso waxba kama jiraan, waxa aannu ognahay ee ka hadlaynaa waa in Shacabkii Laascaanood la Xasuuqay oo la geliyey laba guuto labadaa guuto oo ay kala wateen laba nin oo reer Hargeysa ah oo la kala yidhaahdo Ahmed Aakhiro iyo Indho yare.

Waxa aannu ka hadlaynaa waa in suuqyada iyo Masaajidada lagu laayey shacab aan hubaysnayn oo waxba galabsan. Waxaanu ka hadlaynaa waa in la laayey Culimadii, Aqoonyahankii, Haweenkii iyo Caruurtii reer Laascaanood.

Waxaan ka hadlaynaa in raggii labada guuto watay ee Muuse Biixi oo toos u laayey 21 qof, halkii laga soo qaban lahaa in Muuse doonayo inuu iska hor keeno Habarjeclo iyo dhulbahante oo ninkii u dambeeyey ee dhashiikaha lagu dhuftay loo soo qabtay laba nin oo Sulomadow ah oo aan waxba ridin; taasoo uu uga jeedo inuu isku dhufto dadka Ood wadaagta ah.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker