Raysal Wasaaraha Soomaaliya Rooble Oo Lagu Soo Dhaweeyey Dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Magaalada Jabuuti ee dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb galaya Madasha Aragti-wadaagga ee Heritage, taas oo lagu soo bandhigayo doodo iyo xog ururin ku saabsan xasilloonida iyo horumarka Gobolka, si loo abbaaro xalka waara iyo xaqiijinta hiigsiga wadajirka ah ee dadka Soomaaliyeed.
Waxaanu ra’iisul Wasaare Rooble ayaa madasha ka jeedin doona khudbad ku saabsan Soomaaliya, waxa uuna sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doona Madaxda iyo Masuuliyiinta ka qeyb-galaya madasha.

Weftiga Ra’iisul Wasaaraha ee Madasha ka qeyb-galaya waxaa ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Qorsheynta, Amniga Gudaha, Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta iyo Wasiirru-dowlaha Gaashaandhigga.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker