Ciidan-beeleedyo Isku Horfadhiya Degaanka Dararweyne Ee Galbeedka Sanaag Iyo Cabsi Laga qabo Colaad Mar kale Ka Aloosanta.

 

 

Ceerigaabo(OWN) Wararka laga helayo degaannada degmooyinka Ceel-afweyn iyo Dararweyne ayaa sheegaya in degaanka Dararweyne ay isku horfadhiyaan ciidan-beeleedyo hubaysan oo kasoo kala jeeda laba beelood oo hore dagaallo soo noqnoqday ugu dhexmareen degaannada Ceel-afweyn iyo Dararweyne, waxana wararku intaas kusii darayaan in cabsi weyn laga qabo dagaal ka dhex bilawda ciidan-beeleedyadan iyo colaad mar kale kasoo cusboonaata degaannadaas.

 

Xukuumadda Somaliland oo hore ciidammo kala duwan u geysey degaannadaas ayaa mar kale ku hawl-lan sidii ay u xakamyn lahayd dagaal-beeleed dib uga bilawda degaannadan iyo sidii ciidan-beeleedyadan meesha looga saari lahaa.

 

Dhinaca kalena degaannadan cabsida lagasoo sheegayo ayaa dhawr jeer oo hore dagaallo soo noqnoqday waxay ku dhexmareen laba beelood oo walaalo degaannadaas ku wada dhaqan ah, waxana gurmad xooggan arrintaas ka sameeyey Xukuumadda Somaliland, Golayaasha baarlammaanka iyo intooda badan Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka guud ahaan beelaha kudhaqan Somaliland.

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker