Garanwaaga Ha La Daayo

Horumarku waa wax wanaagsan oo faa’iido u leh dadka iyo wadankaba.

Way habboon tahay in shacabka Somaliland ay dibad iyo gudaba ka fakiraan halabuurnimo anfaca ummadda iyo dalkba. Waa hubaal in dalkeennu u baahan yahay dhinacwalba oo nololsheenna khusaysaba.

Markaa haddii aynnu tusaale ahaan soo qaadanno sida warshadaynta waxa jira mawaadiniin faro ku tiris ah oo sameeyay warshado yaryar oo wax soosaara una baahan in la dhiirigeliyo. Aad ayay u fiican tahay in dadku ku dhiiradaan sidii xoogga u saarilahaayeen warshadaha yaryar (small industries) kuwaas oo si kastaba dheef iyo dhaaqalaba dalka iyo dadkaba u leh. Waxa hubaal ah in dawladdu kaalmayn cashuur-dhaaf iyo dhulba u hayso dadkuna waxa habboon in eyagoo isaaminaya hanatida isku geystaan oo shariikaddo nidaam iyo sharci leh aasaasaan oo aan qof keligii ku ku cidloobin haddy yahay maal iyo maaraynba.

Haddii aan ku soo noqodo mawduucan, waxa aan ka daawaday cisho dhawayd war sheegaya in warshad dhuxusha shidda oo habaysa laga furay duleedka Hargeysa.

Warshaddan sida la sheegay waxa ay gubaysaa geedka “Garanwaaga” ee Somaliland imika si xawli ah uga baxa oo chuxul ahaan loo habaynayo.

Mulkiilaha, masuuliyiinta dawladda iyo dadkii kale ee madasha joogayba aad ayay ugu guuxeen hawsha ay warshaddu ku foogan tahay waxaanay kuwada tiraabayeen erayga ah“dabargoynta geedka garanwaaga”. Haddaba waxa aan isidhi marka dargoyntu dhamaato geedkaas maxaa laga yeelayaa warshadaa oo malaha waa la xidhayaa kol haddii geedkii garanwaagu dhaamado. Mise geedaha kale ee dalka ka baxa sida galoohalka, qudhaca, maraaga, sogsogta iyo wixii la mid ah ayaa doorkoodii imanayaa!

Dalkeenu sida uu maanta xaalkiisu yahay waan ogsoonahay markii aynu dhirtii aynnu jarnay qaarna gubnay ee aynnu shidanay falalkaas oo naxariis la’aan iyo jahliba isku raacinay. Maanta dhulkeenii waa omos lama degaan ah ayuu in yar ula saaranyahay haddii aan la tashan.

Geedkasta oo Illaahay dhulka ku beero sida aan qabo faa’iid ayuunbuu leeyay ee cilmi iyo garsho ayaa loo baanyahay lagu garto. Garanwagu waa geed ku cusub dalkeenna waxaanu koobsaday sumcad xun oo bushadu ku weerartay iyo qaab aan hore aan loo arki jirin oo uu baxay. Qodax, dhinbiil qubata geedihii kale oo uu diiday inay la noolaadaan. Dadkii geedaha ku mamay waxa ay ka waayeen ooddii, dhuxushii, maydhaxdii waxanay u arkeen aafo soo korodhay.

Haddii la habeeyo oo inta hoose laga jarjaro sare ayuu u kacayaa oo wuxuu noqonayaa geed hadh iyo gaboodba leh.

Anigu magaalada Hargeysa waxa aan ku arkay iyagoo aad u dheeraaday oo qudhaca leegaaday. Jirid weyn ayuu bixiyaa, caleentu way isbedeshaa qodaxduna way yaraataa dhaameelkuna sida marka uu yaryahay uma daadiyo.

Waxa aniga ila habboon in aan geedkan laga sasin ee wakhati la siiyo laguderso oo waxyeeladiisa la iska basriyo si cilimiyasan laguna dadaalo sidii kale ee loogu manaafacaadsanlahaa.

Anigoo ixtiraam iyo xishmat u haya Wasiiradeena Marwo Shukri X. Bandre oo dadaal iyo hawlkarnimo badan muujisay sidii deegaankeennu u fiicnaan lahaa,

waxaan kula talinyaa in ay geedkaa la yidhi waa la dabargoynaa ay ka fiirsato oo warshaddaa gubaysa si taxadir ku jiro hawsheeda loola socdo.

Wa BiLaahi Tawfiiq

Hassan Abdi

Calgary Alberta Canada

sugaal1988@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker