Tacadiyo baaxad leh oo lagasoo sheegayo dhinacyada isku haya Suudaan

Warbixin uu soo saaray xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay xadgudubyo argagax leh oo ay ka geysanayaan labada dhinac ee isku haya Suudaan.

Warbixintu waxay ka hadlaysaa siddeed bilood ka dib markii uu dagaalku qarxay bishii Abriil ee la soo dhaafay, waxaana ku jira caddaymo boqollaal qof ah.

Waxay soo jeedinaysaa in kumannaan lagu dilay weerar salka ku haya isir nacayb oo ka dhacay gobolka Daarfuur oo ay ku jiraan eedaymo sheegaya in carruur la kufsaday.

Sawirr Satellite-ka ah ayaa muujinaya sida ballaaran ee loo adeegsaday qaraxyada culculus ee goobaha dadku ku badan yihiin, waxaana ku dhintay dad badan oo rayid ah.

Warbixintan ayaa timid ka dib markii todobaadkan la soo bandhigay muuqaalo muujinaya arday ay qoorta ka gooyeen rag ku labisan dareeska ciidanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker