Maxaad ka La Socotaa Qolka aanay Rasaastu karin ee ku Yaallay Hotelka Elite

Maamulka Hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho, oo dhawaan la weeraray, ayaa sheegay inay dayactir ku wadaan hoteelka, dibna loo furi doono.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ah mulkiilaha hoteelka Elite ayaa sheegay in uu heer gabo gabo ah marayo dadaalka dib u habeynta loogu sameynayo hoteelka uu qaraxu ka dhacay dhowr maalmood ka hor.

 

“Waan sii wadaynaa howlihii aan wadnay namana niyad jabinayso dhacdadii lagu beegsaday Hotel-ka elite,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdullaahi.

16-kii bishan ayey koox hubeysan qarax iyo weerar ka fuliyeen hoteelka, halkaasoo ugu yaraan 16 ruux ay ku geeriyoodeen tiro kalena dhaawacyo kasoo gaadheen.

Qolka aysan rasaasta karin

Mulkiilaha hoteelka, ayaa BBC-da uga warramay qol la sheegay in uu hoteelka ku yaallo, kaasoo aysan rasaasta karin.

Wuxuu xaqiijiyay arrintaas iyo in isaga iyo dad kale ay ku badbaadeen qolkaas intii uu weerarka socday.

 

 

“Waddanka aan ku nool nahay iyo waaqica in la fahmo aad bay muhiim u tahay. Marka wuu jiray ku talagal loo sameeyay qol aysan rasaasta karin, waana meel loogu talagalay dhinaca badbaadada, dad badan ayuuna Alle sabab uga dhigay inay ku badbaadaan. Dhowr iyo labaatan qof baan ahayn dadkii ku jiray”, ayuu yidhi.

 

 

Cidamada sida gaarka u tababaran ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay weerarkaas soo afjaraan. dadka dhintay ayaa la sheegay in 5 ka mid ah ay ahaayeen kooxdii weerarka fulisay.

 

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi M. Gulaid, oo kulan la qaatay laamaha amniga dalka ayaa faray inay baaritaan saxan oo dhammeystiran ku sameeyaan dhacdadii weerarka hoteelka, waxa uuna sidoo kale ku adkeeyay in ay laba jibaaraan dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan amni la isku halleyn karo.

 

Qaabkii uu ku baxsaday Mucallimuu

Mucallimuu ayaa ka mid ahaa dadkii ka badbaaday qaraxa

Maxamed Ibraahim Macallimuu oo horay uga tirsanaa BBC-da ayaa ka mid ah dadka ka badbaaday qaraxa hoteelka Elite, kaasoo uusan wax dhib ah kasoo gaadhin.

Mucallimuu wuxuu ka badbaaday dhowr qarax oo hore, oo uu kamid ahaa mid uu ku dhaawacmay 21-kii January 2016, ayaa tafaasiil ka bixiyay qaabka uu uga baxsaday Elite Hotel.

 

“Aniga horey kama cararin ee waxaan husbaday sida ay wax u socdaan iyadoo wadnuhu sida durbaanku ii garaacayo. Waxaan gacanta ku qabsaday labadii telefoon ee aan watay waxaanan goostay inaan ka boodo gidaarka dhanka xeebta oo noo dhawaa ,laakiin rasaasta ayaa meel walba ku dhaceysay,”

 

 

“Go’aan ayaan qaatay waxaan u booday dhanka badda, funaanad aan xidhnaa oo cagaar aheyd ayaan iska bixiyay sababtoo ah midabada qaar sida casaanka iyo cagaarku dadka badan ee cararaya waa lagaa dhex toogan karaa,” ayuu yidhi Macallimuu.

 

 

Weriyaha ayaa sheegay inuu markii uu badbaaday uu billaabay baadigoobka saaxiibkii Cabdirisaaq, kaasoo loo sheegay in meydkiisa uu yaallo cisbitaalka Umma. Waxa uu tilmaamay in geerida ninkaasi ay si weyn u taabatay oo ay uurkutaalo ku reebtay.

 

 

 

Shan saacadood ayey ciidanka amniga la tacaalayeen weerarkaas.

Jeneral Cabdiraxmaan Maxamud Tuuryare, taliyihii hore ee NISA ayaa BBC-da u sheegay in Al-Shabaab ay markasta weerarradooda xoojiyaan xilliyada kala guurka ah.

 

 

 

“Dowlad kasta marka xillegeedu dhamaan rabo, weerarrada iyo hawlaha ay fulinayaan [Al-Shabaab] waa ka badan yihiin mararka kale. Marka lixda bilood ee soo socota aad ayay khatar u yahay,” ayuu yiri Jen. Tuuryare.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker