Nin Soomaali ah Oo Loo Qabtay Dilkii Shalay Ee Xildhibaanka UK Ka Tirsan

Booliska UK ayaa fal argagixiso ah u aqoonsaday dilka loo geystay xildhibaan ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka oo lagu magacaabi jiray Sir David Amess, kaasoo dilkiisa loo adeegsaday toori.
Sir David ayaa dhowr jeer lagu toorrida dhuftay xilli uu Jimcadii ku sugnaa deegaanka Leigh-on-Sea oo ka tirsan gobolka Essex, oo ah halka laga soo doortay.

Taliska booliska magaalada ayaa sheegay in falkan “ay suuragal tahay inuu salka ku hayo islaamiyiin xagjir ah”.

Nin 25 jir ah oo British ah ayaa lagu xidhay goobta isagoo loo heysto tuhunka ku aaddan falka dilka ah, booliskuna waxa ay sheegeen inaysan cid kale u raadineynin mas’uuliyadda falkaas dhimashada sababay.

Booliska ayaa qayb ka mid ah baadhitaankooda hadda ku raadinaya labo goobood oo ku yaalla magaalada London, sida ay sheegeen saraakiisha.

Waxa ay boolisku aaminsan yihiin in ninkaas uu kaligiis ku dhaqaaqay ficilka balse ay wali wadaan baadhitaanno la xidhiidha sababaha keenay dhacdadaas.

Ninka la tuhunsan yahay ayaa ku xiran gobolka Essex, sida ay boolisku sheegeen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker