Qurbo joogii lagu soo yaaci jiray oo maanta laga caymadaayo cudurka faafa awgii! W.Q Kaptanka.

Qurbojoogtu waxay Somalida oo dhan marka laysku daro Kala soo dabaasheen xaalado adag oo iyagaa la’aantood ay aanay waxbadan siday maanta qurux badan yihiin aanu ahaadeen. Qurbo jooga aya lagu baxsaday waqtigii degaaladii kala duwaana Dalka ka qarxeen inkasto risiqa raxmanku qoray hadana dadku wuu Isku Dul noolyahay.
Qurbo joogu waxay qayb libaax la qaataan dhaqaalaha Dalka soogala oo ay ugu badantahay biilasha malaayiinka dollar ah ee sida joogtada ay ehaladooda usoo diraan inta waxa dheer maalgashiga ay Dalka ku sameeyaan oo shaqa abuur badan usameeya muwaadiniinta qolqol jooga ah.
Isku soo wada suuboo qoraal kuma soo koobi karo FAA’idada Qurba jooga lagu qabo sidoo kale dadka dhaliila waxyaabaha ay ku dhaliilaan waxa ka mida in xilalka xukuumadaha saamiga ugu badan qaataan iyo in qabyaaladu ay xarunteedu tahay qurbaha si kastaba ha ahaatee dhibta lagu sheegayo dheefta lagu qabo aya ka badan.
Maanta Qurba joogii waxay ku jiraan waqtigii ugu adka ee lasoo darsa 30 sano ee ugu danbemeeyay xanuunka caabuqa (Covid 19) ee dunida ka yaabsaday aya ayaa dad badan oo qurbo jooga noloshooda galaaftay sababayna dhimashadii ugu badanayd ee qurbooga somalida degaalkii labaad ee aduunka kadib.
Maanta Somaliland waxay ahayd inaynu Barbar istaagno dadka qurbaha ee tabaalaysan wixi dhintay Allah haw naxariisto inta xanuunsana allah haka dulqaado dhamaanteenba Allah ha inaga badbaadiyo aafada xanuunkan qurbo/qolqol joogba aamiin ishallah. Waxa maanta laga cararayaa qurbo joogii meesha lagu sheego waddankii xataa Kuwii xanuunka ka horyimi taasina waa takoor xanuunkana allah aya haya oo ciduu doono ku rida. Waxaan usoo joogay anigoo jidka haydka Hargeisa uga lugaynaya jimicsi in marqudha dadkii ka yaaceen qolo qurbo jooga oo iyaguna lugaynaya jidka lagu jimicsado arintaasina waan cambaaraynayaa shaqsiyan.
Guntii iyo gabogabadii in la dedaalo oo xanuunka laga feejignaado waa fiicantay oo lays dhowro xuquuqda dadka kalena aan meel looga dhicin. Qurbo joogana siday inoogu liseen ugumayno hanbayn.
Allah mahad leh
Abdiqani Salaf Kaptanka
Hargeisa Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker