Xiisaha Kulanka Chelsea iyo Man City iyo Sannadka Cusub ee 2021

Labo ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Ingiriiska ayaa kulan weyn ku furaya Sannadka cusub ee 2021 .

 

Oo maanta oo Axad ah iyadoo Chelsea ay Stamford Bridge ku soo dhaweyneyso Manchester City kulan si weyn loo wada sugayo.

 

Labada kooxood ayaa leh min 26 dhibcood ka hor kulankooda sannadka cusub, inkastoo kooxda Man City ay labo kulan u hashsan tahay islamarkaana qaab ciyaareed fiican ku jirto marka loo eego Blues.

 

 

Kulankii ugu danbeeyay ee ay Chelsea ciyaartay sannadkii tegay ee 2020 waxay barbaro 1-1 kala kulmeen kooxda Aston Villa, halka Man City oo Korona Fayras uu sameeyay ay kulankoodii ugu danbeeyay aheyd 26kii December markaasoo ay guul raaxo leh ka gaareen Newcastle United.

 

 

MAXAA KA CUSUB?

 

Lampard ayaa isbedelo sameeyay kulankii Aston Villa ka dib qaab ciyaareedkii liitay ee ay kooxdiisu soo bandhigtay kulankii Arsenal laakiin isku shaandheyntiisa ma noqonin mid lagu faa’iday, waxaynay u badan tahay inuu maanta soo safi doono shaxdiisa ugu adag.

 

 

Si kastaba, waxaa weli shaki laga qabaa taam ahaanshaha Hakim Ziyech kaasoo tababarka buuxda ku soo laabtay laakiin laga yaabo inaan halis la gelinin halka Reece James ay hubaal tahay inuu ku seegayo dhaawac muruqa bowdada ah.

 

 

Cesar Azpilicueta ayaa sidaasi darteed soo safanaya kulankiisii 400aad ee kooxda madaama James uu dhaawac yahay halka Andreas Christensen iyo Antonio Rudiger la filayo inay booska u baneeyaan Thiago Silva iyo Kurt Zouma.

 

 

Mateo Kovacic ayaa isna la filayaa inuu ku soo laabto khadka dhexe isagoo bedelaya Jorginho halka Giroud aaan la fileynin inuu booska ka ceshan doono Tammy Abraham inkastoo uu gool ka dhaliyay Aston Villa.

 

 

Manchester City ma aysan cadeynin seddexda ciyaaryahan kale ee qaba Korona Fayras marka lagu darro Kyle Walker iyo Gabriel Jesus, laakiin Ederson ayaa u muuqday mid baraha bulshada ku xaqiijinaya inuu karantiil ku jiro sidaasi darteed lama filayo inuu ciyaaro maanta.

 

 

Zack Steffen ayaa sidaasi darteed safan doona kulankiisii ugu horeysay ee Premier League, halka Eric Garcia oo ku dhow inuu u wareego Barcelona uu seegayo kulankaan madaama uu dhaawac lugta ah qabo.

 

 

Ilkay Gundogan ayaa jug ay ka soo gaartay canqowga kulankii Newcastle laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa ka hadlay rajadiisa inuu ciyaari karay kulankii baaqday ee Everton sidaasi darteed waxaa la filayaa inuu wadnaha khadka dhexe ka garab dheeri doono Rodri.

 

 

Waxaa harsan in la arko haddii ninka ay Chelsea neceb tahay Aguero uu dheeli karo 90ka daqiiqo laakiin waxaa la filayaa inuu ku soo bilaaban doono, inkastoo Torres uu isna diyaar u yahay inuu difaacdo booskiisa shaxda.

 

 

SAFAFKA MACQUULKA AH:

Chelsea: Mendy; Azpilicueta, Zouma, Silva, Chilwell; Kante, Kovacic, Mount; Pulisic, Abraham, Werner

 

 

Manchester City: Steffen; Cancelo, Dias, Stones, Mendy; Rodri, Gundogan; Mahrez, De Bruyne, Sterling; Aguero

Kulanka: Chelsea vs Man City

Garoonka: Stamford Bridge 

Waqtiga: 7:30pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Anthony Taylor 

MA OGTAHAY?

 

  • Manchester City waxay 26 guuldarro oo Premier League ah ka soo gaartay kooxda Chelsea, waa kooxda guuldarooyinka ugu badan u xambaarisay City.

 

  • Man City ayaa laga badin karaa kulankii seddexaad ee isku xiga ee Premier League ee ay marti u yihiin Chelsea markii ugu horeysay tan iyo markii afar kulan oo isku xigta laga badiyay intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2009.

 

  • Ma jiro kulan dhexmaray labadaan kooxood oo horyaalka ah oo ku dhamaaday barbaro 10kii kulan ee ugu danbeyay.
  • Chelsea ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee Premier league iyagoo afar dhibcodo ka helay 15 dhibcood oo ay u tartameen.

 

  • Manchester City lagama badinin 10kii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan iyagoo badiyay 7 kulan halka ay barbaro galeen seddex kulan.

 

  • Timo Werner waxaa soo martay 11 kulan oo uusan gool u dhalinin Chelsea.

 

  • Sergio Aguero waxa uu dhaliyay 10 gool sagaalkii kulan ee ugu danbeeyay ee uu ka horyimid Chelsea. Si kastaba haatan wuxuu marayaa 10 kukan oo isku xigta oo uusan gool ka dhalinin horyaalka Premier League

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker