Xildhibaanad Looga Saaray Aqalka Baarlamaanka Kenya Arrin Ugub ah

 

Haweenay xildhibaanad ah ayaa laga saaray baarlamaanka Kenya ka dib markii cunug yar

oo ay dhashay ay aqalka baarlamaanka la timid.

 

 

Zulekha Xasan ayaa sheegtay “in xaalad degdeg ah ay la soo gudboonaatay taasina ay tahay sababta ay kalfadhiga baarlamaanka ula timid cunugeeda .

Howlaha baarlamaanka oo si toos ah looga tabiyo telefishinka qaranka Kenya ee KBC ayaa si kumeelgaadh ah hakad loo galiyay ka dib markii haweenaydan ay soo gashay aqalka baarlamaanka iyada oo sidata cunugeeda oo dhowr bilood jira.

Ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka ayaa shaqo adag kala kulmay sidii uu u xakamayn lahaa xildhibaanada oo qaarkood ay bilaabeen inay buuqaan halka qaar kale ay aad ula yaabeen .

Ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka oo kalfadhiga shir gudoominayay ayaa wakiilka haweenka dowlad goboleedka Kwale ku amray inay aqalka ka baxdo,isaga oo sheegay in tallaabadeeda ay tahay “mid ugub ah oo aan horey loo arkin”.

Ms Xassan ayaa ka dib warbaahinta u sheegtay in aqalka baarlamaanka aan wali loo dhisin qolal u gaar ah haweenka iyada oo ay jirto in horey logu heshiiyay 2013.

“Waxaan isku dayay xaqiiqadii in aan cunuga la imaan aqalka baarlamaanka ,balse maanta arrin degdeg ah ayaa i qabsatay,”ayay tiri.

Waxay intaa ku dartay in maadaama ay baarlamaanka Kenya ku soo biirayaan xildhibaano badan oo haween ah in loo baahan yahay in la helo goobo u gaar ah.

“Hadda waxaan codsanaynaa in haween badan ay baarlamaanka ku biiraan,waa in aan helnaa jawi u wanaagsan haweenka.”ayay tiri xildhibaanad Zulekha Xassan.

Sida uu dhigayo xeerka baarlamaanka Kenya aqalka baarlamaanka looma ogola dadka aan xubnaha ka ahayn sida caruurta.

Ka saaridda xildhibaan Zulekha Xassan laga saaray aqalka baarlamaanka ayaa waxaa ay dood ka dhalisay baraha bulshada.

Qaar ka mid ah dadka ayaa ku ammaanay ficilka ay samaysay xildhibaan Zulekha Xassan iyaga oo farta ku fiiqay in dalalka kale caruurta la ogol yahay in aqalaka baarlamaanka lala yimaado.

Balse dadka qaar ayaa barta Tweetar-ka ku dhaliilay haweenaydan oo ay sheegeen inay magac raadinayso.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker