Raysal wasaaraha Haiti oo la baadigoobayo halka uun jaan iyo cirib dhigay

Waxaa lagu jahwareersan yahay halka uun jaan iyo ciribdhigay Raysal wasaaraha Haiti kadib markii ay caasimada dalkaas la wareegeen koox burcad ah oo dooneysa inay dowladda rido.

Raysal wasaare Ariel Henri ayaa markii ugu dambeysay lagu arkay Kenya. BBC na waxay ogaatay in uu sabtidii ka safray Nairobi isaga oo hakad-kusii ah Dubai.

Waxa uu Nayroobi u yimid saxiixa heshiis amni oo meesha ka saari lahaa caqabadaha ku horgudban in kun askari oo Kenyan ah loo diro dalkaas.

Booliska Kenya ayaa hoggaamin lahaa howlgal caalami ah oo lagu doonayo in dib Haiti loogu soo celiyo sharciga iyo kala dambeynta.

Dowladda Kenya iyo Booliska ayaa sheegay in Raysal wasaare Ariel Henri uu la socday diyaaradda Imaaraatka ee sabtidii ka duushay Nairobi. Ma cadda halka uu ku socday, iyo in uu dal saddexaad u ku socdo in uu tegi doono caasimadda Haiti Port au Prince.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker