Ku-simaha Raysal Wasaaraha Somalia Oo Markii Ugu Horaysay Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyay.

Sii hayaha cusub ee xilka RW Somalia ahna raisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) ayaa xilkii ka qaaday Xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska Raisul Wasaaraha Axmed Nuur Max’ed Cabdi.

 

Wareegto Xalay  ka soo baxday Xafiiska Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) ayaa sidoo kale xilkaas waxaa si KMG ah loogu magacaabay C/risaaq Xuseen Aadan.

Lama sheegin sababta keentay xil ka qaadistan keentay balse Axmed Nuur Max’ed Cabdi ayaa ka mid ahaa xubnihii sida aadka ah ugu dhowaa Raisul wasaarihii Xilka Laga Qaaday ee Xasan Cali Khayre Khayre oo Shalay  gudoonku baarlamanku sheegay in kalsoonida lagala laabtay.
Halkan ka Akhriso:

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker