Cidamada Kenya Oo Caawa Xabsiga Dhigay In Ka Badan 40 Ruux Oo Ka Mid Ah Kooxda La Mamnuucay Ee MRC.

Nairobi-(OWN)-In ka badan 40 ruux oo ka tirsan kooxda la mamnuucay ee Mombasa Republican Council ayaa fiidnimada caawa waxaa lagu xidhay xaafada Likoni ee ismaamul goboleedka Mombasa.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka nabed gelyada ee ismaamulka Mombasa Eric Wamlevu ayaa sheegay in kooxdaa lagu soo qabtay xeebta Shelly oo ay si sharci daro ah ay ku joogeen.

Mr Wamlevu ayaa intaa raaciyay ay kooxdaan kulan yeelaneysay iyaga oo aan ogolaansho ka heysan dowlada.

Saldhiga ciidamada ee Likoni ayaa waxaa lagu arkayay tiro ka tirsan kooxdan oo ku xidhan daqiiqado ka hor kadib markii lagu soo qaaday baabuurta ciidamada.

La Tuhmayaashaan ayaa ka soo jeeda ismaamulada Lamu Kwale iyo Kilifi waxaana da’dooda ay u dhaxeysaa 35 ilaa 70 jir sida laga dheehday aqoonsiyada ay wataan.

Kooxda MRC ayaa ah dhalinyaro galaangal ugu jirtay sanadihii la soo dhaafay sidii gobolka xeebta uu madax banaani uga qaadan lahaa dalka Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker