Madaxwaynayaasha Somalia iyo Kenya oo ku kulmaya Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Todobaadka soo socdo u Safri doono Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Sida illo lagu kalsoonan karo ay xaqiijinayaan Madaxweynaha ayaa halkaas kula kulmi doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

 

Kulanka labada Madaxweyne ku dhex mari doono Adis Ababa ayaa waxaa gadaal ka Riixeysa Dowladda Mareykan oo dooneysa in arrinta muranka badda labada dal Laga soo saaro Maxkamadda ICJ. oo ah Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee Xarunteedu Tahay Dalka  THE NEDERLANDS,

Dowladda Mareykanka ayaa horey u shaacisay mowqifkeeda ku aadan Muranka dhanka Badda ee u dhaxeeyo labada dowladood, Waxaanuu Safiirka Mareykanka u fadhiyo Kenya ku baaqay in miiska wada hadalka la fadhiisto. Arrintana Lagu dhameeyo Wadahadal , Taasoo Noqonaysa inuu Marayakanku U Xaglinayo dhanka Dawladda Kenya,

 

Sababtoo ah Waxaa Aan daah saarnayn in Dawladda Kenya ay wado Gardaro aan Geedna Loogu soo gabanin , Rajada ay ka qabto Natiijada kasoo Bixi Doonta Maxkamadda ICJ-na ay Aad u hoosayso.

 

Safarka uu Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shidde ku Yimi Muqdisho ayaa hor dhac u ahaa kulanka labada Mas’uul waxaana la sheegay Inuu Siday isla Markaana uu Gaadhsiiyay Madaxwayne Farmaajo.

Sida illo wareedyo rasmi ahi ay  xaqiijiyeen farriinta uu Axmed Shidde kasoo qaaday Raiisulwasaare Abiy Ahmed ee uu soo gaadhsiiyay Farmaajo ayaa ujeedkeeda ugu weyn wuxuu ahaa dadaalada uu labada dal ka dhex wado iyo sidii wajiga labaad ee kulanka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya loo qaban lahaa.

 

Kulanka Uhuru Kenyatta iyo Farmaajo ayaa waxaa la filayaa inuu Adis Ababa ka dhaco 13-ka bishaan oo ku beegan Sabtida soo socoto.

Lama oga go’aanka uu Farmaajo qaadan doono marka uu la kulmo Uhuru Kenyatta,

balse falanqeeyaasha siyaasadda ayaa aaminsan in cadaadis xoog leh lagu hayo Farmaajo ayna macquul tahay inuu madaxweynaha aqbalo go’aanka lagu dhex dhexaadinayo labada dhinac isla markaasna la joojiyo dacwadda taalo maxkamadda ICJ.

 

Inuu jiro wadahadal dhex mari doono labada dhinac iyo in kiiska Dacwadda la xidhayo ayaa hadal heynteeda waxay socotay muddo badan,

Hadaba Siyaasiyiinta Odorasa Xaaladda Barig Afric ayaa ku Doodaya isla markaana ka digaya ,in uu Madaxwaynaha Somalia sameeyo wax Tanaasulaad ah , waxaana ka mida Siyaasiyiinta Fakarkaas Qaba .

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker