130 Tahriibayaal Oo   Lagu La’ Yahay Xeebaha Jabuuti Kadib Markii Ay Oo Doon Kula Degtay

Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM ayaa sheegtay in ka badan 130 Tahriibayaal Afrikaan ah  lagu la’ yahay meel ka baxsan Xeebaha dalka Jabuuti, kadib, markii ay laba dooni oo aad loo buux-dhaafshay ku dageen meel ka baxsan Xeebta Magaaladda Godariya ee Gobalka Obokoh ee dalka Jabuuti.

 

Afhayeenka oo lagu magacaabo Joel Millman waxa uu tilmaamay inay Doonyaha degay ku sii jeedeen dalka Yemen oo albaab laga galo u ah dalalka cacanka Carabeed, halkaasi oo ay Tahriibayaal badan rajo ka qabaan inay ka heli doonaan Shaqo iyo nolol wacan.

 

Ciiddanka Jandermariiga ee dalka Jabuuti oo sameeyey gurmad, waxay soo heleen 2 nin oo ka badbaaday shilkaasi iyo maydadka 5 Tahriibe.

 

Mid ka mid ah dadka la badbaadiyey oo 18-jir ah ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inay 130 Rakaab la socdeen Doonidii uu la socday, balse uusan war ka haynin tirada Tahriibayaashii la socday doonida kale ee degtay.

Wali waxaa socda baadigoobka loogu jiro tirada dad ee kale maqan, balse rajada laga qabo in la soo helo dadkaasi ayaa ah mid aad u yar.

Source: https://www.iom.int/news/more-130-migrants-reported-missing-following-two-shipwrecks-djibouti-coast

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker