Warbixin: Qaabkii loo ilaalin jiray Xabsiga Dhexe Ee Xamar

Waxay ahayd mid xaqiijisay dareenkii uu dadka ka qabay in lala shaqeeyay maleeshiyadii Al Shabaab ee ka dhex dagaalantay Xabsiga Dhexe ee Xamar, warbixintii uu ka soo saaray guddigii baarayay dhacdadaasi.

 

Guddiga ayaa intii ay baaritaanka wadeen waxay ogaadeen in 8-dii bishan gudaha xabsiga la geliyay hub, sidoo kalana isla 10-kii bishan la geliyay rasaas dheeraad ah, taasoo horseeday in Shabaabkii ku xirnaa xabsiga ay awoodaan inay ka dhex dagaalamaan. Hubkan waxaa qayb ka ah bastoolado iyo bambaanooyin lagu dhex qariyay hilib iyo jawaan ay liin ku jirto. Weerarkan waxaa ku dhintay sagaal iyo toban qof, oo shan iyo toban ka mida ay ahayd maxaabiistii dagaalantay, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Ciidanka Asluubta, Cabdikhani Maxamed Khadar.

 

Baadhitaanka guddiga ayaa muujinaya inaanay maleeshiyada Al Shabaab fulin kari lahayn weerarkaasi, haddii aysan jirin gacan gudaha ah oo ay helayeen, waana taa midda fududeysay in weerarkaasi ka dhex abaabulaan.

Korneyl Ibraahim Cabdisamad oo mar soo noqday Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Xamar, xilligii Dowladdii Dhexe ayaa si cajiib ah uga sheekeeyay qaabkii adkaa, ee xilligaasi loo suggi jiray amniga xabsigaasi.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker