Wararkii ugu dambeeyey Qarax ciidamada AMISOM lagula eegtay Muqdisho

Muqdisho (OWN) – Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa maanta qarax miino Ah waxaa lagula eegtay wadada Loo yaqaano wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay Xaafada ceymiska gaar ahaan labaajada mahad alle ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa Oodwaynemedia u sheegay in qarax miino ah loo dhigay ciidanka AMISOM uu haleelay mid ka mid ah gawaadhida ay wateen oo marayay Xaafada Ceymiska ee degmada Yaaqshiid .

Ciidanka AMISOM ayaa furay rasaas, waxaana goobjoogayaashu sheegeen in rasaataasi ay ku dhinteen laba qof oo shacbi ah , halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, rasaasta ay fureen ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMIOSM ee qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay inay ka yimaadeen degmada Balcad ee gobolka shabeellada dhexe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker