Wasiir Israa’iil ah oo soo jeediyay in bam niyukleer ah lagu dhufto Qasa.

Wasiirka Hiddaha ee Israa’iil Amichai Eliyahu ayaa maanta oo Axada sheegay “in mid kamid ah ikhtiyaaraadka Israa’iil ee dagaalka Qasa ay ku jirto in bam Niyukleer ah lagu dhufto Marinka Qasa”.

Wasiirkan xagjirka ah ee dhinaca midigta u janjeera ayaa waraysi idaacadeed ku sheegay in Qasa kaliya ay joogaan dagaalamayaal, kaalmo kasta oo bini’aadanimo oo la gaarsiiyana ay ka dhigan tahay fashil, wuxuna sheegay in weerar niyukleer oo lagu qaado Qasa uu ku jiro ikhiyaarkaadka dagaalka.

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Bin Yamin Netanyahu ayaa laga soo weriyay inuu yiri soo jeedinta Elyahu in ay tahay mid waaqaca ka fog, Israa’iil iyo ciidamada Israa’iilna ay ku dhaqmayaan qaynuunka caalamiga ah, iyadoo laga fogaanayo in cid aan dagaal ku jirin la waxyeeleeyo.

Wasiirka difaaca Israa’iil Youf Galant ayaa sidoo kale diiday hadalka Elyahu, wuxuna sheegay in aysan wax raad ah lahayn, isagoo qoraal uu soo dhigay barta X intaa ku daray “in wax wanaagsan ay tahay in kuwa noocan ah aanay kamid ahayn kuwa ka masuulka ah amaanka Israa’iil.”

Hogaamiyaha Mucaaradka Israa’iil Yair Lapid ayaa ku baaqay in xilka laga qaado wasiirka.

Lapid ayaa qoray in bayaanka Elyahu uu yahay mid laga naxo, waalan, uuna qoray wasiir aan masuul ahayn.

“In kuwa xagjirka ah ay ku jiraan dawladdeena, annaga ayay na khatar galinaysaa, waxayna carqaladaynaysaa ahdaafta dagaalka oo ah in laga adkaado Xamaas, lana soo celiyo la haystayaasha” ayuu yiri Yair Lapid.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker