Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Ingiriiska U Qaabilsan Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley
Safiirka Ingiriiska U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,

ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo safiirka  Ingiriiska u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Ben Fender.
Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftiga Ingiriiska, ayaa diiradda lagu
saaray arrimo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo  Ingiriiska, ammaanka guud ee mandaqadda, doorashooyinka, mashaariicda  horumarineed iyo wada-hadallada dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dawladda Ingiriiska uga
mahadnaqay taageerada ballaadhan ee ay la barbar taagan yihiin Somaliland,
waxana uu u sheegay inay Somaliland ka go’an tahay adkaynta xidhiidhka Britain iyo Somaliland

 

 

beesha caalamka, sidoo kalena wada-hadallada dalalka Somaliland iyo
Soomaaliya ay xukuumad ahaan ka taagan yihiin mawqifkii iyo shuruudihii ay
beesha caalamka Somaliland hore ugu bayaamisay.
Dhankooda, waxa ay weftigu ku bogaadiyeen Somaliland horumarka laga
sameeyey qabsoomidda doorashooyinka iyo sida ay shacab iyo dawladba
diyaarka ugu yihiin geeddi-socodka Dimuqraaddiyadda ee dhinacyada
doorashooyinka iyo horumarka.
Ugu dambayntii waxa ay madaxweynaha iyo madaxa hay’adda dalka Ingiriiska
u qaabilsan kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow kala
saxeexdeen wejiga labaad ee kaalmada dalka Ingiriisku kaga qaybqaadanayaan sanduuqa hormarinta Somaliland (SDF) ee lagu maal-geliyo
mashaariicda horumarineed ee dalka laga fuliyo, waxa kale oo ay goobta ku
kala saxeexdeen heshiis lagu horumarinayo khayraadka Tamarta
Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha
Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Horumarinta maaliyadda iyo
la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha. Dhinaca weftiga waxa
kulanka qayb ka ahaa madaxa xafiiska Ingiriiska ee Jamhuuriyadd

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker