Dawlada Somaliland oo Dad ay ku Tuhuntay Dilkii Taliyihii Sirdoonka Gobolka Sool Xidhxidhay

Hargeysa (OWN) – Taliyaha Booliska gobolka Sool, Axmed Cabdullaahi Cabdi oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howlgallo Baadhitaano ah oo laamaha ammaanku ay ka sameeyeen magaalada Laascaanood, kadib markii xalay lagu dilay Taliyihii Sirdoonka gobolkaasi, marxuum Cabdiqani Guhaad.

 

Taliyaha qeybta Booliska ayaa sheegay in dilka marxuumka ay u soo qab qabteen illaa saddex qof oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen dhacdadaasi.

 

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raggaasi ay ku wareejiyeen hay’adaha Garsoorka Somaliland, islamarkaana ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

 

Marxuum Guhaad ayaa Salaadii Cishaha kadib rag hubeysan waxa ay ku toogteen afaafka hore ee gurigiisa, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib.

 

Taliyaha la dilay ayaa gacanta ku hayey baadhista Qaraxii labo todobaad ka hor lagu khaarajiyey guddoomiyahii maxkamada gobolka Sool, Xasan Sheekh.

 

Maalmihii dambe waxa faraha ka sii baxayey amniga Laascaanood, iyada oo aysan jirin howlgalo ka dhan ah falalka lidiga ku ah nabad-gelyada ee ka dhacayay magaaladaasi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker