Madaxweynaha Kenya oo Nairobi ka furay xarunta Microsoft ee Afrika

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Nairobi xadhiga kaga jaray xarunta horumarinta shirkadda Microsoft ee Afrika.

Hirgelinta xaruntan ayaa waxaa ku baxday lacag dhan 27 milyan oo doolar una dhiganta 3 bilyan oo shilin.
Hoggaamiyaha dalka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in xaruntan ay sare u qaadi doonto dadaallada ay dowladda dhexe shaqooyin ku saabsan tiknolojiyadda ugu raadinayso dhallinyarada.

Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay caddeyn u tahay in shirkadda ay ku qanacday kartida ay Kenya u leedahay adeegyada dijitaalka, jawiga ganacsi ee ka jiro iyo fursadaha maalgashi ee laga abuuri karo.
Mr. Kenyatta ayaa intaasi ku daray in shirkaddu ay heshiisyo la gashay jaamacado maxalli ah si ay tababarro dhanka ganacsiga ah ugu sameyso in ka badan 200,000 oo da’yar kenyaan ah.

Ku xigeenka madaxa shirkadda Microsoft ,Ms Joy Chik ayaa sheegtay in xarunta shalay la furay ay ka mid tahay kuwa dhinaca horumarka ee ay ka hirgeliyeen caalamka .
Sidoo kale waxay carrabka ku dhufatay in xarumaha noocani ah loogu tala galay in lagu tababarro farsama yaqaanna soo saara badeecooyin iyo adeegyo heer caalami ah.
Ms Joy ayaa tilmaantay in ilaa iyo hadda ay shaqaaleysiiyeen 450 oo ah farsama yaqaanna u dhashay dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker