Aqalka Sare ee Baarlamaanka Ethiopia oo Go,aan oa soo Saaray Xaaladda Gobolka Tigraay

Addis Ababa (OWN)  Iyada oo ay weli isa sii tareyso marba marka ka dambeysa xiisada Colaadeed ee ka taagan gobolka Tigray-ga ee dalka Itoobiya ayaa arrintaasi waxaa kulan deg-deg ah saaka ka yeeshay golaha Baarlamaanka aqalka sare ee wadankaasi.

Kulanka oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa  diirada lagu saaray xaaladda qasan ee gobolkaasi oo ay ka socdaan dagaallo xoogan.

 

 

Golaha ayaa cod aqlibiyad leh ku meel-mariyey in ay dowladda federaalka Itoobiya faro-gelin toos ah ku samayso deegaanka Tigrayga, si looga hortago xiisadaasi.

 

Sidoo kale baarlamaanka Itoobiya ayaa ogolaaday in xukuumadda Addis Ababa ay maamul Ku Meel Gaadh ah u magacowdo gobolkaasi, si meesha looga saaro maamulkii hore.

Go’aanka ka soo baxay baarlamaanka ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan ciidamada federaalka Itoobiya ay bilaabeen inay duqeeyaan gobolka Tigray-ga.

 

 

Itoobiya ayaa gashay xaalad adag, iyada oo uu faraha ka baxay ammaanka gobolka Tigray-ga oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker