Fariin Caafimaad.

Shaqada fayadhowrku waa shaqada
Ugu saraysa caafimaadka bulshada waa in la helaa shaqaale sita aqoonteedii fayadhor si ay u raacan ku dhaqanka sharciga fayadhowrka iyo qawaanintisa dawladnimo sida uu dhigaayo hadii taas
La helo bulshadu waxay helayaan cuntooyin daawooyin sharaab caano food stuf etc lala socdo goobaha ganacsiga ee dalka heerkooda tayo isticmaal maadama aanay jirin qalab lagu ogaan karo badeecadahas markay kasoo degayaan dekedaha dalka waa in marka labaad kor loo qaado awooda shaqo mushahar maamul ee shaqaalaha fayadhowrka dalka si ay uga fogaadan musuqmaasaq baahi laalush una gutaan waajibaadkooda shaqo fayadhowr taas ayaa lagu gaadhi karaa fayadhowr deegaan oo sugan
Waa in kor loo qaada nadaafada iyo bilicda magaaloyinka dalka. Si ay caasimadeenu u barbar istaagto caasimadaha caalamka waa in la ganaaxa cidii goob aan loogu talo galin ku tuurta qashin
Awooda shaqo shaqaale mushahar fayadhowr oo kur loo qaado waxay wax ka taraysaa in la helo shaqo hufan oo leh tixraac maamul oo ay ku xisaabtaman goolaha deeganka caasimada hargeisa
In la helo dakhli ganaax fayadhowr hadii shaqaalaha kor loo qaado mushaharkooda shaqadooda iyo maamulkooda shaqo
In la ilaaliyo dhaaman shirkadaha dhismaha caasimada magaaloyinka jsl goobta iyo qaabka dhismaha bulaacadaha wadooyinka laga bixinaayo
In laga baahiyo idaacadaha dalka mareegtooyinka tv yada joornalada sharciga fayadhowrka dalka iyo shuurucda qawaanintiisa si ay bulshadu u fahanto macnaha ereyga fayadhowr iyo ujeedada uu xambaarsan yahay
In la tix galiyo lana soo celiyo haybadii shaqo shaqaale ee fayadhowrka degmooyinka dalka si u guto wajibaadka shaqo shaqaale uu uga masuulka yahiin waa in waaxda fayadhowrka laga dhex saara waaxaha kale ee maamulka dawlada hoose maadama ay waaxdani tahay waax caafimaad
Waa in ay jiraan isku xidh shaqo waaxaha fayadhowrka dawlada hoose iyo wasaarada caafimaadka dalka jsl
Waa in la soo ururiyaa dawooyinka dhacay rationka sharaabka caanaha goobaha ganacsi ee dalka loona gubaa badeecadahaas
Waa in uu jiraa sharci lagu hor geyn karo
Maxkamad cidii ku xad gudubta qawaaninta sharci fayadhowr ee dalka u dajisan
’’ MUWAADIN HA KU TUURIN QASHINKA GOOB AAN LOOGU TALA GELIN.
‘’MUWAADIN INTUU QASHINKU KUU JIRO AYUU CUDURKU KU JIRAA’’
‘ ‘’ MUWAADIN XILBAA INAGA SAARAN DHAMMAAN ILAALINTA NADAAFADDA CAASIMADEENA’’
‘’ MUWAADIN HA ISTICMAALIN DAAWO AAN DHAKHTAR KUU QORIN’’
‘’ HOOYADU WAA IN AY SIISAA ILAMAHA NAASKA MARKA UU DHASHO ILAA UU GAADHAYO LABA SANNO, AYAA KU FILAN JIDH AHAANEED, MASKAX IYO CAAFIMAAD ’’
‘’ MUWAADIN HA ISTICMAALIN SHAY DHACAY AMA TAARIIKHDIISA LA BEDELAY SINABA

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
buux2010@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker