10 sano oo uu socday iyo $70 milyan oo doolar, mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa

10 sano oo uu socday iyo $70 milyan oo doolar, mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa.

W/Q Xamse Kheyre Xoghaya Ganacsiga Xisbiga Waddani.

ma ka jawaabayaa suaalahan? Xisbiga Kulmiye wuxuu yimid Hargeysa oo bilaa biyo ah ma ka tegayaa Hargeysa oo biyo ku filan oo nadiif ah haysata..

1. 64% biyo qasabad ah ma helaan reer Hargeysa, intee baa hoos loo dhigay tiradan oo maanta helay biyo qasabadeed ah oo nadiif ah kuna filan?

2. Imisa degmo oo aan hore biyaha wakaalada u helin jirin baa hadda biyaha gaadhsiiyay? iyada oo aanay waayin kuwii hore u heli jiray

3.Dhuuntii biyaha ka keenaysay Geedeeble ee cusbayd ma hawl gashay?

4. Shan (5) Kayd oo cusub oo biyaha ah oo laga dhisayay qaybaha kala duwan ee Hargeysa maxaa dhamaaday?

5 Laba iyo toban (12) Ceel oo cusub oo lagu kordhinayay biyaha Horahaadley iyo Geed-deeble imisaa lagu guulaystay oo hadda shaqaynaya?

6. Muxuu maanta madaxwaynuhu xadhiga ka jarayaa? Waa se markii imisaad ee barkadaa uu maanta xadhiga ka jarayo hore looga jaray?

Jawaabaha suaalahan shanta ah ayaa sheegaya guusha iyo guuldarrada biyo balaadhinta Hargeysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker