Imaaraadka Carabta Oo Beeniyey Iay Ciidamadeeda Kala Baxayso Dagaalka Yemen.

Dowladda Imaaraadka Carabta ee qeyb ka ah isbahaysiga Sacuudiga ee dagaalka Yemen ayaa sheegay inaysan ciidamdeeda ka saareyn dalkaasi Yemen inkasta oo ay jirto in la dhimay islamarkaana qaarkood laga daad-gureeyey.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka, Anwar Gargash ayaa qoraal uu ku daabacay wargeyska Washington Post ku yiri “Aan caddeeyo, Imaaraadka Carabta iyo xulufada inteeda kale kama baxayaan Yemen.”

Gargash ayaa sheegay in inkasta oo ay u howl-gali doonaan si ka duwan sidi hore, haddana joogitaanka militari ee Imaaraadka ee Yemen uu sii socon doono, islamarkaana ay caawin doonaan ciidamada Yemen si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Imaaraadka ayaa hooraantii toddobaadkan ku dhawaaqay inay dhimeyso dibna u daad gureeneyso ciidamdeeda Yemen, halkaasi oo uu afar sano ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda – oo ay ay taageeraan xulufada Sacuudiga – iyo kooxda ku xiran Iran ee Xuutiyiinta.

Gargash ayaa sheegay in Xuutiyiinta looga baahan yahay in tallaabada Imaaraadka Carabta ay u arkaan “mid kalsooni dhisid ah oo lagu abuurayo fursad cusub oo dagaalka lagu soo afjaro.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker