Wargeyska Charlie Hebdo Oo Mar Kale Aflaageedey Nebi Maxamed (NNKH)

Wargeyska qaabka maadeysiga wax u qora ee kasoo baxa Faransiiska ee Charlie Hebdo ayaa dib u daabacay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed (NNKH), tallaabadaas oo sanadkii 2015-kii u horseeday in lagu qaado weerar dhimasho geystay.

 

 

Waxay arrintani imaaneysa maalin uun ka hor xilli la filayo in maxkamad ay kasoo hor muuqdaan 14 qof oo looga shakiyay inay caawinayeen labadii qof ee weerarka ku qaaday xarunta wargeyska.

 

Waxaana weerarkaas lagu dilay 12 qof oo ay kamid yihiin farshaxamiistayaal caan ah, waxaana sidoo kale maalmo kaddib Paris ka dhacay weerar kale oo ay ku dhinteen 5 qof.

Bogga hore ee wargeyska ayaa lagu daabacay 12 sawir gacmeed oo laga sameeyay Nebiga kuwaas oo lagu daabacay wargeys kasoo baxa Denmark ka hor inta aysan ka soo muuqan Charlie Hebdo.

 

 

Wargeyska ayaa ku dooday in marar badan laga codsaday in uu soo daabaco sawir gacmeedka tan iyo markii uu dhacay weerarkii 2015-kii.

“Mar kasta waan diidi jirnay, sababtuna ma aheyn in mamnuuc ay tahay daabicidda- sharciga ayaa inoo ogolaanayaa in aan daabacno sababta oo ah waan in la helaa arrin macquul ah oo sabab u ah arrintaas oo micno sameyneyso taas oo dhalinaysa dood”

 

 

“In dib loo soo saaro sawir gacmeedka xilli lagu gudo jiro toddobaabka dhageysiga dacwadda ku saabsan dadkii lagu tuhunsanaa weerarkii argagixisada ee dhacay bishii Jannaayo sanadkii 2015-kii, waxay arrintaas ka dhigeysaa in laga maarmaan ay inoo tahay”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker