Raysal-wasaarihii Hore Ee Dalka Kenya Raila Odinga Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay Inay Aqoonsadaan Soomaaliland.

Nairobi-(OWN)-Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga oo haatan ah Madaxa AU-da ugu qaabilsan Horumarinta Adeegyadda Asaasiga ayaa la sheegay inuu Kulan qarsoodi ah la yeeshay Wafdi ka socday Somaliland oo ka qeyb galayey Shirweyne looga hadlayey Maalgashiga Somaliland oo ka dhacay magaalladda Nairobi.

Warar Hoose ayaa sheegaya inkastoo uu Raila Odinga ka qeyb gelin Shirkaasi, haddana waxa uu Kulan Qarsoodi ah la yeeshay Madaxa Wafdiga Somaliland ee ka qeyb galayey Shirkaasi, wuxuuna cod xooggan ku sheegay inay Beesha Caalamka aqoonsadaan Somaliland.

Raila Odinga waxa uu dadaal ugu jiraa sidii ay Dowladda Kenya ugu aqoonsan lahayd Somaliland dal madax bannaan.

Magacaabista Raila Odinga ee Xilka AU-da waxaa aad u soo dhaweeyey  Saraakiisha Somaliland oo iyagu u arka Fursad magacaabistiisa, balse Ergayga AU-da ma aha Siyaasiga keliya ee ay Maamulayaasha Somaliland ku xisaabtamayaan.

Waxa kale oo uu ka mid ah Siyaasiyiinta sare ee Qaaradda Afrika ee horey ugu baaqay Dowladahooda inay aqoonsadaan Maamulka Somaliland, oo ay tilmaameen inuu Maamulkaasi qeyb ka qaadan doono Deganaanshaha Gobalka.

AKHRISO

Bishii August ee sannadkii 2016-kii, Raila Odinga waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka inay Somaliland u aqoonsan doonaan Waddan madax-bannaan.

Wasiirka Ganacsiga ee Kenya, Peter Munya ayaa isaga horey u riixay sidii ay Dowladda Kenya u ictiraafi lahayd Maamulka Somaliland.

Peter Munya oo horey u ahaa Guddoomiyaha Golaha Guddoomiyayaasha Goballadda  waxa aad ugu ololeeyey sidii ay Beesha Caalamka u aqoonsan lahayd Maamulka Somaliland.

Dhinaca kale, Madaxa Guud ee Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, Ababu Namwamba oo la hadlay Wargeyska Nation ayaa sheegay inaysan Dowladda Kenya weli Codsi Rasmi ah ka helin Aqoonsiga Somaliland, wuxuuna hosota ka xariiqay in Jartarka Ururka Midowga Afrika xushmeynayo Midnimadda iyo Qaranimadda Dowladaha xubnaha ka ah Ururka AU-da.

“Waxaan xushmaynaynaa  inay Somalia tahay Dowlad Federal ah iyo Deris wanaagsan oo loo baahan yahay, waana Hawlgal ku jira gacanta si Somalia looga dhiso  Nidaam Federal Mideysan oo  nabad iyo barwaaqo ah” ayuu yidhi  Mas’uulkaasi ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker