Taliyayaasha Ciidamada Dawladda Federaalka ah oo Maanta tagaya Dhuusamareeb si ay ula wareegaan Amniga

Muqdisho (OWN) – Waxaa saaka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ku sii jeeda taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee dowladdda federaalka Soomaaliya.

Taliyeyaasha ciidamada Milatariga, Booliska iyo Asluubta ayaa saacaha soo socda gaadhi doona magaaladaasi.

Mareegta Oodwaynmedia ayaa ogaatay inuu socdaalkooda la xadhiidho heshiiska Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa lagu wadaa in maanta Qalinka lagu duugo, islamarkaana la dhameystiro.Wararka ayaa intaasi ku daraya in taliyeyaasha ciidamada ee ka socda dowladda federaalka ay la wareegi doonaan ciidamada Ahlu-Sunna si loo qareemeeyo.

Sidoo kale hay’adaha ammaanka ee dowladda ayaa la wareegaya amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiis ay horay u wada gaadheen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Dhuusamareeb ayaa waxaa dhawaan lagu qaban doonaa shirka dib u heshiisiinta Beelaha daga Galmudug iyo doorashada guud ee maamulkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker