Iran ayaa ka digtay jawaab ka sii weyn haddii Israa’iil ay ka aargoosato weerarkii xalay

Iran ayaa ku celisay digniin ay u jeedisay Israa’iil, waxayna sheegtay in aanay ahayn in ay ka jawaabto weerarka aan hore loo arag ee ay ku qaadday dhulka Israa’iil, tallaabada xigtana ay ka sii weynaan doonto haddii ay taasi dhacdo.

Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Iran, Major General Mohammad Bagheri, ayaa u sheegay TV-ga qaranka in haddii Israa’iil ay ka aargoosato, jawaabta Iran ay aad uga weynaan doonto duqeyntii xalay, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Iran ayaa sidoo kale uga digtay Washington in taageeridda aargoosiga Israa’iil ay horseedi doonto beegsiga saldhigyada Mareykanka.

Mar sii horreysay, ergada Iran ee Qaramada Midoobay ayaa soo xigtay xeerka Qaramada Midoobay ee isdifaacidda, sida ku cad qodobka 51, waxayna sheegtay in waddanku uu “soo gabgabeeyay” ka dib markii ay weerartay Israa’iil, isagoo sidoo kale uga digay Israa’iil inay samayso “khalad kale”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker