Mareykanka oo wax laga xumaado ku tilmaamay gubistii qur’aanka ee Sweden

Waxaa isa soo taraya waddamada qaar oo ka falcelinaya ninkii kitaabka qur’aanka ku gubay dalka Sweden.

Mareykanka markaan eegno, ku xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareeykanka, Vedant Patel, ayaa war-saxaafadeedkiisa maalinlaha ah ku sheegay, in dhacdadaas ay tahay wax laga xumaado isla markaana aanan la aqbali Karin.

Dhanka kale, Morocco ayaa u yeeratay safiirkeeda u fadhiyay dalka Sweden.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Sacuudiga ayaa isna si adag u cambaareeyay falkaasi.

Dhacdadan waxaa sidookale cambaareeyay Turkiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker