Triangulation – kii President Bill Clinton ayuu Raysal Wasaare Abiy Ahmed Ku isticmaalay Jaalle Biixi ,….. See Arrin Yahay ?!

DURIYADII REER SHEEKH ISAXAAQ BAA DURAY GALAY OO SOCON WAYDAY OO LAYGU DHACAY MA MAR LABAAD AYAA “ DIR “ LAYGU DHACAA  MA WAALANTAHAY ADIGA,………… !

Madaxweyne Bill Clinton  dadka siyaasada Maraykan daneeya wuxuu ahaa ” Blue dog ” Madaxweyne Jimmy Carter na wuxuu ahaa “Blue dog ” lakiin Madxweyne Carter siyaasi ma ahayn ee nin wadaad masiixi ah ayuu ahaa ” blue dog ” ama ayda buluukiga ah waxa lagu naaneysaa Siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka ( calaamadihiisu Buluuki yihiin )ee ka soo jeeda badi koonfurta Marykanka iyo qaybo ka mid ah Midwest fikirkoodu aad buu ugu dhaw yahay Xisbiga Jamhuuriga ( Calamadihiisu casaan yihiin ) mar mar Jamhuuriga ayey racaan codeynta sidaas ayaa loo yidhi ” Blue dogs “……………. Waxa jira niman itixaan ah oo Xisbiga Dimuqraadiga ka tirsan oo bidix ah oo uu watay Senator Edward Kennedy ama  Ted Kennedy kabahay kala baxeen President Jimmy Carter dadka qaar xataa waxay yidhaahdaan iyakaa suurto geliyey guushii President Ronald Reagan …………. Markii la doortay President Bill Clinton si ayna ugu dhicin sheekadii ku dhacday ‘Blue dog-ii ” ka horeeyey ee President Jimmy Carter ahaa wuxuu soo saaray siyaasad la yidhaah  “Triangulation “

 “Triangulation is the strategy in which a political candidate presents their ideology as being above or between the left and right sides (or “wings”)”…… Tasoo  ah inaad keentid dariiq sedexaad oon ahayn bidix iyo midig marka lasoo gaabiyana la yidhaah xandhiga ku qabo ….

Jaalle Muuse Biixi cabdi iyo waxoogaa aan buurneyn  oo la socotay marka laga reebo Macaali Wasiir Faratoon oo xataa hadii aqoontu gabto dhagysigiisa fiicani kabayo oo waa nin waxaanu aqoon dhex yaacin sida Macaali Wasiir Sacad Cali Shire iyo Horjooge Muuse Biixi Cabdi  ninka kale ee aqoon buuran leh xaga diblomaasiyada caalamka waa Safiir Axmed Cigaal………….

Wax sir ah maaha RaysalWasaare Dr. Abiy Ahmed wuxuu isticmalaa “Triangulation”  iminkana ” NOBEL PEACE PRIZE ” ayuu u sharaxan yahay waanu u sharaxnay waanu u codeyneynaa Insha’a Allah waar ninka noola codeeya inta Af-Somaliga ku hadasha naclaa shaydaan ku yaal ee ……. Markaa Jaalle Abiy Ahmed markuu soo dhameeye Filal culus arrinkii Ethiopia iyo Erteria , Eriteria iyo Jabuuti  , Somalia iyo Ethiopia , Sudan iyo Ethiopia , Ethiopia iyo Masar  , Ogadenia ( ONLF ) iyo Ethiopia , Jabhada Oromada iyo Ethiopia  wad wadi mayne wala daliin  liiskaa dheer  markuu kasoo faraxashay ilaa iyo iminkana si fiican u socdaan inkastoo files- ka qaar ay u baahan yihiin maintenance iyo gacan ku hayn  lakiin hawshu way dhan tahay .

Yeelkeede Jaalle Dr. Abiy Ahmed wuxuu gartay markuu Macaali Wasiir Axmed Shide mudo dabagaalaynayey inuu file-ka Somaliland iyo Somaliya galo isagoo isticmaalaya “Triangulation” …..

Qodobka asaasiga ah ama core point way garanyaan qolada warsaxfadeedka caalamka akhridaa  ama qortaa halkan warsaxafadeedka hadaad akhridid xafiiska RaysalWasaaraha iyo warbixinta Madaxtooyada Somaliya waa synchronized ama talantaali  bay ahayeen isku hal waqtina way soo baxeen copy cat maha  core point wuxuu yahay  sida ku xusan warbixinta  xafiika raysal wasaaraha Ethiopia “ H.E. Muse Bihi Abdi acknowledged the strides being made by Prime Minister Abiy towards regional integration and accepted the Prime Minister’s call to further strengthen the close working relationship between the Somaliland Administration and Federal Government of Somalia.”  Ogow Muwaadin muumulka Somaliland baa la yidhi waa iska maamul goboleedka Somaliland  halkana ka eeg  warbixinta kasoo baxday   Madaxtooyada Somaliya  waa iska uun tarjumadii qodobka …… Warsaxafadeedkii Villa Somalia “”Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan. Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas.”

Dagaalkii  Ethiopia iyo Somalia 1977 kadib ayuu  dadka kililka dega oo la odhan jiray Somali Galbeed iskugu yeedhay  Jaalle Mengistu Haile Mariam  shirka waxa ka maqan beelweynta Ogadeen oyna cid ka joogin  duqa  Jaalle Mengistu wuu garanayaa cuntada Somalidu inay bariis tahay markaa qoladii shirka fadhiday ee Somali Galbeed wuxuu u sheegay  in Ogadeen Bariiska yahay iyaguna ay yihiin khudradii , hilibkii iyo bisbaaskii lagu cunayey Bariiska markaa hadii main fraction – kii oo Ogadeen maqan yahay hadal halkan la yidhaah oo Somali Galbeed khuseeyaa inuu macno badan yeelan doonin…………. Hadalkaa waxaan uga jedaa iminkaa durtooba waxay bilaabeen Hargeysa inay dafiraan warkaa kor ku xusan siday barigii u dafiri jireen Xisbiga Kulmiye in Hawadii Somaliland ay Somaliya usoo saxiixeen si  Dekkada Berbera loogu saxeexo wada hadaladii Turkiga ka dhici jiray  iminkana Muwaadin qodobka BARIISKA ah ee ay hashu u dhimatay waligoodba ha dafiraan RaysalWasaare Dr.  Abiy Ahmed ku qortay C.V uu la tagi doono Nobel Peace Prize ka waa qodobkaa MAAMUL GOBLEED SI DHAW ULA SHAQEEYA VILLA SOMALIA …… waligoodba ha dafiraan.

Gudida Garxajis Waxaanu faraynaa  WIIL GARXAJIS IYO WIIL OGADEEN WIIL UMA DHAXEEYO Ogadeen na waxaan somalinimo ahayni iskuma kaayo keento xididnimada iyo is dhalistu waa BONUS  Somalinimo wax ka hooseysana dooni mayno markaanu joogno kililka shanaad  DURIYADII REER SHEEKH ISAXAAQ BAA DURAY GALAY OO SOCON WAYDAY OO LAYGU DHACAY MA MAR LABAAD AYAA “ DIR “ LAYGU DHACAA  MA WAALANTAHAY ADIGA, sidaa awgeed Waxaanu faraynaa Gudida Garxajis Nation Gudidiisa inayna magaca NATION –ka kaga qayb galin SHIR DIREED  uu wato Jaalle Muuse Biixi Cabdi iyo niinkii shalay soo dhaweeyey ee macaali wasiir Axmed Shide haday donaan dabaqoodhiga Muuse Biixi ha tagaan ………. Hadii laga tagi waayo marka lasoo casuumo Beelweynta Ogadeen iyo Beelwenyta Hawiye  ku taga sidood as guest of honor marti sharafeed … lakiin Beelweynta Garxajis wax ka hoseeya Somalinimo u cuntamimayso kililka shanaad…………. Muwaadin ogow soo dhaweynta shalay ee ay cilmi kaaga dhigayaan Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Macaali wasiir Axmed Shide protocol ahaan Madaxweyne Mustafe cagjar ayaa sareeya …………. Motoyinkii aad daawatay video-gu waa been horey ayey xisbiga Kulmiye ugu isticmaleen madaxweyne AL-Xaaji Axmed Silaanyo  Youtube ka eeg ……… …….Ogow na Muwaadin Jaalle Farmajo marna kumuu balan qaadin inuu arkayo Jaallle Muuse Biixi Cabdi waa sir cidna ha u sheegin labada nin ee uu khaati ka joogo telefoonadooda Jaalle Farmaajo waa Jaalle Muuse Biixi iyo Jaalle Faysal Cali Waraabe markaa wuu sii ogaa warka uu la imanayo  XAQUL QALIN SHIDAAL MA QAYBSANAA SIDII JAALLE XASAN SHEEKH MAXAMUUD  AY ULA TEGI JIREEN………..

Ahmed Jigga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker