Puntland oo Somaliland U Soo Dirtay Dalab Ku Saabsan Dilkii Ibraahim Cabdishakuur.

Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa Somaliland u soo dirtay dalab ku saabsan Dilkii toogashada ahaa ee magaaladda Boorama loogu geystay Wiil Dhalinyaro ahaa oo ka mid ahaa Ardayda waxka barata Jaamacadda Camuud.

Ardaygaas oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdishakuur oo 21 jir ahaa oo dhiganayay sanadkii labaad Kuliyadda Engineering-ka ee Jaamacadda, ayaa waxaa toogtay askari ilaalo ka ahaa jaamacadda kaddib markii sida la sheegay ay murmeen ardayga dhintay iyo askarigu.

Ardaygan, ayaa la sheegay in teleefoon uu ku soo ilaaway gudaha jaamacadda, ka dibna uu dib ugu laabtay jaamacadda si uu teleefoonka u soo qaato balse waardiyihii jaamacadda ayaa u sheegay in aan la geli Karin jaamacadda oo uu dhammaaday wakhtigii waxbarashada, muran ka dibna uu sidaas ku toogtay.

Wiilkan Ardayga ahaa oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdishakuur Salaad, ayaa deegaan ahaan ka soo jeeday magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland.

Geesta kale, Afhayeenka madaxtooyada maamul goboleedka Puntland Jaamac Deperani, ayaa ka hadlay dilkaasi magaalada Boorama loogu geystay marxuum Ibraahim Cabdishakuur Salaad.

Jaamac Deperani, ayaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada iyo qoyska uu ka baxay marxuumka.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland, ayaa ka dalbaday Somaliland inay cadaalad u hesho marxuumka, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado askarigii ka dambeeyay dilka ardaygaasi.

“Soomaaliya meel walba waxaa ka jira maamul wuxuu doonaba ha aaminsanaadee, kolay uun waa dad Soomaaliyeed, waxaan ka rajeyn nidaamka halkaasi ka jira inuu Ibraahim Cadaalad ku helo, si loo illaaliyo badqabka dadka Nugul oo ay ardeydu ka midtahay,” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Deparani.

Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray inay xanuunka iyo murugada la qeybsanayaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Puntland.

Dhanka kale, maamulka gobolka Awdal, ayaa beeniyey warar la isla dhex marayay oo sheegayay in ardaygaas loo toogtay in uu xidhnaa calanka Soomaaliya iyo sidoo kale wararka kale ee sheegayay in uu jiro dhaawac soo gaadhay dhalinyaro la socotay wiilka dhintay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker