Gudoomiyaha Hayadda Shaqaalaha dawlada Muxuu Ka Yidhi Cabashadii Garsoore Mahdi Jawaase

Gudoomiyaha Hayadda Shaqaalaha dawlada Farxaan Aadan Haybe ayaa ka jawaabay cabashadii Garsoore Mahdi Jawaase Wuxuuna  barta Facebook ku baahiyay qoraalka u dhignaa sidan:-
Waxaan daawaday Mahdi Jawaase oo siduu isagu sheegay muddo dheer u ahaa shaqaale kumeel gaadh ah Wasaarada Ciyaaraha JSL.
Waxaan cadaynayaa in Mahdi aanu ahayn shaqaale dawladeed oo rasmi ah, kumana jiro payrollka Dawlada. sababtaas awgeedna, kaalin kuma laha Hayada Shaqaaluhu inay ka hadasho ilaa qofku shaqaale rasmiya noqdo oo sharci ahaan galo payrollka.
Waxa kale oo aan xaqiijinayaa in Mahdi aanu ku jirin liiska qoraalka rasmiga ee Shaqaalaha kumeel gaadhka ah ee nooga yimi Wasaarada Ciyaaraha, sababtaas awgeedna imtixaanka shaqaalaynta kumeel gaadhka looga hakiyay oo iyaduna sharci ahaan sax ah.
Run ahaan, Wasaarada ayay u taal arinkiisu, hadii sida uu sheegay uu mudadaas sanadaha ah tabaruc ku shaqaynayay oo ay kula qanacdo Wasaaraduu la joogay, Hayad ahaan waxii ay wasaaradu nagala maarmi waydo kolay hab qoraal ayay noogu soo gudbiyaan, hadii markaa lagu qanco asbaabta uga hadhay liiska, waxa uu geli karaa imtixaanka dafcada 3aad. Tusaale; Dafcadii koowaad xubnihii aan gelin imtixaanka ee liisaska Wasaaradaha wejiga koowaad ku jiray laakiin maray diiwaan gelintii, madax taabashadii iyo hubintii, waxay la galeen dafacdii labaad.
Waxaan cadaynayaa in Hay’adda Shaqaaluhu keliya ay iyadu raacdo liisaska si rasmiya habqoraal ay Wasaaradaha iyo Hayadaha Dawladu ugu soo gudbiyaan, Kuwaas ayuunbaa sharci ahaan loo aqoonsan yahay in imtixaanka laga qaado kumana jirto xanydaabka sharci ee Hay’adda Shaqaalaha in ay iyadu ciday doonto qorto ilaa qoraal rasmiya uga yimaado Wasaarada ama Hay’adda ay khusayso ha ahaado shaqaalayn, anshax marin, abaal marin, dalacsiin, hoos u dhigid darajo, fasaxyada kala duwan, xaqsiin, iwm.
Waan ka xumahay arinta Mahdi, waxayse ku qurux badnayd Mahdi laftiisu inuu Wasaarada uu tabaruca kumeel gaadh ahaanta kula shaqaynayay uu madaxdeeda u gudbiyo cabashadiisa, hadiiba uu u gudbiyayna ka warsugo waayo natiijada imtixaanku markay soo baxdo dafcada 2aad ayaa waxii cabasho ah loo ogol yahay wasaarad /Hayad kasta inay soo gudbiso oo lala eego.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker