Masuuliyiinta degmada Dila ee gobolka Awdal oo bulshada degmadaas ka codsaday in ay sharciyeystaan dhulka ay mulkiyadaha u haystaan.

Masuliyiinta degmada Dila ee Ka tirsan gobolka Awdal ayaaa ugu Baaqay Bulsahda Ku nool degmadaasi ee leh mulkiyad dhuleed inay si deg-deg ah u sharciyaystaan.

Ugu horayn xoghayaha dawladda hoose ee degmada Dila Muxyadiin Cabdi Cali, oo halkaas ka hadlay ayaa ka codsaday dadweynaha degamadaasi in ay sida ugu dhakhsaha badan u sharciyeystaan dadka ku leh degmadaasi hanti dhuleed, isaga oo sheegay in ay dhib kala kulmaan dhulka aan sharciyeysnayn marka uu yimaado muran dhuleed, waxayna u qabteen dadka ka maqan degmadaas in dhulkooda ay ku sharciyeystaan muddo 40 cisho gudahood ah, halka dadka ku suga degmada gudaheedana ay u qabteen muddo 15 cisho ah in ay ku sharciyeystaan dhulka ay ku leeyihiin degmadaas.

 

Guddoomiye ku xigeenka degmdaas Cabdilaahi Maxamuud Xuseen, oo halkaas ka hadlay ayaa isna ku booriyey dadweynaha degmadaas in ay soo bixiyaan cashuurta ku waajibtay ee guryaha iyo dhulka Bannaan ee sharciyada leh, isaga oo intaas ku daray in cidii 15 maalmood ku soo bixin weyda laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

 

Gabogabadii waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha degmadaas Aadan Cismaan Sidci, oo ka xogwaramay waxyaabihii u qabsoomay muddadii labada sannadood ahayd ee ay xilka hayeen, oo uu tilmaamay in ay waddooyinka iyo dhulka qorshayntiisaba ay wax ka qabteen intii ay awoodoodu ahayd wuxuuna intaas raaciyey in ayna waxba ka hagran, isaga oo intaas ku daray in dadweynuhu muddooyinkaas loo qabtay in ay cashuurta ku soo bixiyaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker