Ciidamo Kawada Tirsan Maamul Goboleedka Galmudug Oo Ku Dagaalamay Gobolka Galgaduud

Cadaado-(OWN)-Ciidamo ka wada ka tirsan maamul goboleedka Galmudug ayaa xalay isku rasaaseeyey duleedka magaalada Cadaado.

Iska hor imaadka ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tagay Gaalkacyo oo ku sii jeeday Dhuusamareeb ay is-hortaag kala kulmeen ciidamo kale oo ku sugnaa Duleedka Cadaado.

Iska hor-imaadka ayaa waxaa ku dhintay hal askari, waxaana ku dhaawacmay laba kale.

Saraakiisha amniga ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baadhitaano ku saabsan sababta keentay isku dhaca ciidanka, hase ahaatee aanay xiligan ka war bixin karin wixii dhacay.

13 kii bishan ayay ahayd markii ciidamo ku hubaysan gaadiidka dagaalka oo ka amba baxay Galkacyo laga diiday in ay galaan Cadaado, sababo la xidhiidha muranka siyaasadeed ee ka dhax oogan madaxda Galmudug dartii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker