Jabuuti Iyo Kenya Teebaa ku Guulaysatay Codka Aqlabiyadda Kursiga Golaha Ammaanka

Kenya ayaa ku guuldaraysatay inay hanato kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka kaasoo ay kula tartamaysay dalka Jabuuti, kadib markii ay heli weyday codadkii ay u baahneyd.

 

Kenya ayaa waxa ay heshay 113 cod, halka Jabuutina ay heshay 78 cod, sidaas daraadeedna Kenya 15 cod ayey ku weyday kursiga,

Waxaana taasi ay ka dhigan tahay in markale lagu celin doono doorashadaasi. Taasi oo ah in cidana aanay helin 128 cod oo ah aqlabiyad saddex meelood ah oo laba meel oo ah.

 

 

Natiijadaasi waxa ay ka dhigan in Khamiista maanta ah markale ay labada dal tartami doonaan, waxaana hawl adag ay u taallaa diblomaasiyiinta labada dal sidii ay uga dhex ololeyn lahaayeen dalalka caalamka.

 

Haddii Jabuuti iyo Kenya uu midkoodna heli waayo tirada aqlabiyadda ah ee ay u baahan yihiin, waxaa ay aadayaan wareeg saddexaad. Haddii ay isku mari waayaanna, waxaa dhici karta in tartanka loo furi dalal kale oo Afrikaan ah.

 

Qaabka kale ee xalka loogu heli karo arinkan ayaa ah in labada dal ay ku heshiiyaan qeybsiga muddo xileedka kursiga oo dalkiiba uu sanad ku fadhiyo.

 

Labada dalba kii guulaysata ayaa kamid noqonaya 10-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee aan joogtada ahayn ee la shaqeeya shanta dal ee haysta awoodda qayaxan ama veto-da loo yaqaan, si go’aan ay uga gaaraan arimaha ku aaddan ammaanka caalamka.

 

 

Codadka ay heshay Kenya ayaa qalbi-qaboojin u ah diblomaasiyiinta dalkaasi ee loo xilsaaray hawsha xasilinta kursigaasi.

 

 

Jabuuti ayaa diidday go’aankii Midowga Afrika uu Kenya ugu xushay inay si tartan la’aan ah ku qaadato kursigaasi loo asteeyay qaaradda. Waxa ay sheegtay in Kenya aan lagu aamini karin kursigaasi muhiimka ah, maadaama uu khilaaf kala dhexeeyo Soomaaliya.

 

 

Kenya ayaa dhankeeda ku doodeysa inay mudan tahay xubinnimada Golaha Ammaanka, ayna waxbadan ka tartay xasilloonida caalamka, gaar ahaan Bariga Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker