Waa maxay Faa’iidada ay Leedahay Oohintu?

Oohintu waa hab dabiici ah (natural process )  oo qofka ku dhacda marka uu dareeemo xanuun dhinac jidhka ah ama maskax ahaan (psychologically or physically) ama wakhtiyada murugada ama farxadda. Awoodda maskaxda ayaa ah mid kala soocaysa noocyada xanuunka taasi oo aanu jidhku awood u lahayn, haddana sida ay cilmi baadhis kala duwani cadaysay jidhku wuu raacaa xanuunada nafsaaniga ah sidaa darteedna qofka ayaa oohin bilaaba haddii uu murugoodo ama uu ka jabo lugta.

 

Labadan xanuun oo kala duwan haddana mid kasta waxa uu ka muuqanaya muuqaalka jidhka sare kaasi oo uu qofku ku muujiyo Oohin, dareen muuqaal oo dadka tusa niyad jabaka ka muuqda. Dhinaca kalen daraasaddu waxay cadaysay in oohintu ay qofka ka yarayso xanuunka oo ay siiso a degenaansho ah.

 

Oohintu waxay jidhka ka caawisaa inuu iska saaro suntan iyo hoormoonada jidhka ka soo baxaya ka dib murugada iyo xanuunka. Habadhiska jidhka u qaabilsan saaridda ilmadaasi ayaa ku yaalla dhinaca debedda ee Isha sidaa awgeed ayuu marka qofku oohinta bilaabo uu Sankuna u raaco isagoo sankuna uu biyo soodaayo. Waxa kale oo qofku oohin lagu arkaa marka uu dareemo farxad markaasi oo aanu ishayn karin marka ay farxaddau ka badato.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker