Somalidii ugu Badnayd oo Xanuunka Corovirus ugu Geeriyootay Dalka Sweden

Ugu yaraan lix Soomaali ah ayaa ka mid Noqday  15 ruux oo dalka Swdeden ugu Geeriyooday saacadihii la soo dhaafay Cudurka Coronavirus sida ay sheegtay warbaahinta dalkaas.

 

Telefishinka Sweden ee SVT oo soo xiganaya Ururka iskutagga Dhaqaatiirta ayaa Xalay xogtan baahiyey.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in Arrintan ay ugu wacan tahay, dadka oo aan helin xog buuxda oo cudurkan la Xidhiidha  markii uu dalka ku faafay, ayna si caadi ah u dhaqmayeen.

 

 

Sidoo kale waxay sheegeen in dadkaasi intooda badan ay cuduro kale horey u qabeen sida   macaanka iyo dhiigkarka.

 

Soomaalida ku nool Sweden ayaa intooda badan degan guryo Cidhiidhi ah, taasoo la sheegay iney sababtay in cudurkan uu ku dhex faafo.

 

Sweden ayaa haatan noqotay dalka ugu badan Qaarada Yurub ee cudurka Coronavirus uu ku dilay Soomaalida, waxaana weli jira Soomaali la ildaran cudurkan oo jiifa goobaha caafimaadka dalalka Yurub, halka kuwo kalena ay ka Bogsadeen cudurkan halista ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker